Ciidamada SSC-Khaatumo oo Guul Ka Gaaray Dagaal Ka Dhacay Shangeed

Image

LAASCAANOOD - Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay guul weyn ka gaareen ciidamada Somaliland kadib dagaal culus oo ka dhacay deeganka Shangeed, ee gobolka Cayn maalintii Khamiista, iyadoo labada dhinacba ay sheegteen guulo kala duwan.

Tirada guud ee khasaaraha wali ma cadda, maadaama labada dhinacba ay sheegteen guulois khilaafsan. Xaqiijin madax-bannaan ayaa weli la sugayaa. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maalin dhan ay socotay rasaas is-daba-joog ah, iyadoo dad badan ka carareen guryahooda.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo, Najib Barkhadle, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadooda ay si guul leh uga hortageen weerar ka yimid Somaliland, islamarkaana ay qabteen 54 hub fudud iyo maxaabiis dhowr ah.

Barkhadle ayaa sheegay in weerarku uu bilowday markii ciidamada Somaliland ay weerareen goobo SSC Khaatumo maamusho, laakiin lagu qasbay inay dib ugu laabtaan Qorilugud kadib markii ay la kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Barkhadle ayaa sidoo kale eedeeyay Somaliland inay ka qeyb qaadanayso xasillooni-darrada gobolka, isagoo sheegay in ficilada militari ee Somaliland ay saameyn xun ku yeesheen wadamada dariska ah, oo ay ku jirto Itoobiya.

Dhanka kale, Ciidanka Somaliland ayaa sheegay inay qabteen dagaalyahanno SSC-Khaatumo ah iyo gaadiid intii lagu guda jiray isku dhacaas, inkastoo aysan jirin warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM