10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Turkiga

Image

12 January, 2016(GO)-Inkabadan 10 ruux ayaa ku dhintay qarax maanta kadhacay halka lagu magacaabo Sultanahmet square ee magalada Istanbul dalka turkiga sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladaasi.

Lama yaqaan cidda weerarka fulisay,balse waxaa lala eegtay goob taariikhi ah oo loo darxiis tago halkaas oo kusugnaayeen ajaanib iyo muwaadiniin faro badan.

Warar madaxbanaan oo la helayo ayaa sheegaya in weerarka uu fuliyay qof bamb iskusoo xiray, balse saraakiisha amniga Turkiga si cad uma shaacin cidda kadambaysay falkaas.

Ra'isal wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa isugu yeeray kulan dag dag ah xubno katirsan golaha wasiirrada iyo saraakiisha ammaanka dalkaas.

Boliiska ayaa lasoo sheegayaa inay kahortagayaan weeraro kale oo lala eegto goobaha caanka ee dadku isug tagaan.

Turkiga ayaa noqday bartilmaameed ay beegsadaan kooxda Islamiga ah ee ISIS, waxaan weerarkan kusoo beegmay hal sano kadib markii haweenay bomb isku soo xirtay beegsatay saldhig Boliis oo ku yalla goob dalxiis, waxaana ku dhintay  sarkaal katirsan laamaha ammaanka halka tiro kale ku dhaawacmeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM