10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Turkiga

Image

12 January, 2016(GO)-Inkabadan 10 ruux ayaa ku dhintay qarax maanta kadhacay halka lagu magacaabo Sultanahmet square ee magalada Istanbul dalka turkiga sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladaasi.

Lama yaqaan cidda weerarka fulisay,balse waxaa lala eegtay goob taariikhi ah oo loo darxiis tago halkaas oo kusugnaayeen ajaanib iyo muwaadiniin faro badan.

Warar madaxbanaan oo la helayo ayaa sheegaya in weerarka uu fuliyay qof bamb iskusoo xiray, balse saraakiisha amniga Turkiga si cad uma shaacin cidda kadambaysay falkaas.

Ra'isal wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa isugu yeeray kulan dag dag ah xubno katirsan golaha wasiirrada iyo saraakiisha ammaanka dalkaas.

Boliiska ayaa lasoo sheegayaa inay kahortagayaan weeraro kale oo lala eegto goobaha caanka ee dadku isug tagaan.

Turkiga ayaa noqday bartilmaameed ay beegsadaan kooxda Islamiga ah ee ISIS, waxaan weerarkan kusoo beegmay hal sano kadib markii haweenay bomb isku soo xirtay beegsatay saldhig Boliis oo ku yalla goob dalxiis, waxaana ku dhintay  sarkaal katirsan laamaha ammaanka halka tiro kale ku dhaawacmeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM