17 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Jakarta Indonesia

Image
Image

14 January, 2016(GO)-Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday caasumadda Indonesia ee Jakarta, kadib weeraro isugu jira qaraxyo iyo qoryaha gacanta lagu qaato oo lagu weeraray bartamaha magalada.

Dadka dhintay waxaa ku jira shan ruux oo weerarka soo qaaday, shan katirsan ciidanka Boliiska iyo todobo ruux oo katirsan shacab kusugnaa halka weerarku ka dhacay.

Tiro kale oo aan la cayimin ayaa ku dhaawacmay, waxaana ku jira kuwa u shaqaynayay Qaramada Midoobey sida ay daabaceen warbaahinta Holand, kuwaasi oo lasoo warinayo inay xafiisyo ku lahaayeen goobta la beegsaday oo lagu magacaabo Sarinah shopping complex.

Laamaha Boliiska dalkaasi ayaa sheegaya in falkan ka dambeeyeen lix nin oo watay mootooyin.

Xaaladda magalada aya kacsan, waxaan xiran dhammaan waddooyinka soo galay goobta weerarku ka dhacay.

Ciidamo badan oo Boliiska Jakarta katirsan ayaa goobta la dhoobay, waxaana socda baaritaano ku aaddan qaabka wax u dhaceen iyo dadka weerarka soo qaaday haybtooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM