25 qof oo ku dhimatay dab ka kacay goob caafimaad Sacuudiga

Image

24 December, 2015(GO)-Dab khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay ayaa subaxnimadii hore Khamiista ka kacay goob caafimaad oo ku taalla magalada dhacda Koonfur Galbeed dalka Sucuudiga.

Waxaa ku dhintay 25 ruux 107 kale waa ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin katirsan Boqortooyada waddankaas, waxayna sheegeen inay baaritaan kuwadaan qaabka wax u dhaceen.

Waaxda difaaca bulshada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dabka uu ka kacay qeybta daryeelka xooggan ee isbitaalka, laakiin daadaal la sameeyay waxay tilmaameen inay xakameeyeen.

Dadka ku dhaawacmay ayaa loo wareejiyay xarumo caafimaad oo goobta ka dhawaa, waxaana sawirro la soo dhigay baraha bulshada (Twitter) muujinayeen khasaaraha baahsan ee goobtaas gaaray.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM