53 badmaaxi oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen gujis degay
JAKARTA, Indonesia – Saraakiisha Indooniisiya ayaa sheegay in la helay haraadiga burbur markab nooca quusa taasoo la macno ah in uu qalibmay waxaana sii yaraaneysa rajadda laga qabo in ay badbaadi karaan badmaaxiintii saarneyd kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 53 ruux.
Waxyaabaha la helay waxaa ka mid ah dhalo saliid iyo qalab loogu talagalay ilaalinta toorta, ayuu yiri Gaashaanle Sare ciidanka cirka Hadi Tjahjanto.
"Haraadiga oo laga helay meel u dhow meeshii ugu dambaysay ee gujiska taagnaa ayaa la rumeeysan yahay inay yihiin qaybo ka mid ah gujiska," ayuu ka dhawaajiyey. "Waxyaabahani waligood kama soo bixi lahayn gudaha markabka ilaa cadaadis ka tan weyn jiro mooyaanee".
Gujiska - oo ka mid ahaa shan ka mid ah doonyaha dagaalka ee Indonesia - ayaa la waayey Arbacadii intii lagu guda jiray cabris milatari oo toos ah oo loo yaqaan 'torpedo tababar' oo ka dhacayey jasiiradda xilliyadda fasaxa aadka loo tago ee waddanka Indonesia ee Bali.
Taliyaha Ciidanka Badda Yudo Margono ayaa Sabtidii xusay in samatabbixiyeyaashu ay heleen waxyaabo badan oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah qalabka toosinta torpedo iyo dhalo dufan oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay in lagu saliideeyo periscope, iyo Sijaayado.
"Cadeymaha saxda ah ee aan helnay ee la rumeysan yahay inay ka yimaadeen markabka gujiska ah, waxaan hada ka guurnay shakigii hore ee maqnaashaha waxaan u gudubnay in uu degay," ayay tiri Margono.
Markabka ayaa loo qorsheeyay inuu sameeyo layliyo tababar ah markii uu codsaday ogolaansho inuu quusto. Xiriirka ayaa lumay waxyar kadib.
Madaxweynaha Indooniisiya Joko Widodo oo bixiyey amarka dedaalada kooxaha samata-bixiyeyaasha ayaa la filayaa in uu mar kale la hadlo dadweynaha marka lasoo gabagabeeyo isku dayga kama dambeysta ah ee lagu baadigoobayo suurtagalnimada in ay jiraan dad ka badbaadey.
B