Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

Image

MUQDISHO — Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya, Larry André Jr., ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis ku saarto dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo joojiyo dagaallada iyo barakaca shacabka ka socda gobolka Koonfur Galbeed.

André oo wareysi siiyay telefishinka Sky News ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay sii xumeyneyso dhibaatada shacabka, isaga oo sheegay in iska horimaadyada siyaasadeed iyo kuwa milatari ay kordhiyeen amni-darrada xilli ay dadka nugul u baahan yihiin gargaar bani'aadannimo.

Danjiraha hore ayaa su'aal geliyay sharciyadda dowladda, isaga oo ku eedeeyay inay ciidamada ammaanka u adeegsaneyso danaha siyaasadeed halkii ay ka ilaalin lahaayeen shacabka.

“Waa dowlad aan sharciyad lahayn oo muddo-xileedkeedii dhaaftay, waxayna ciidamadeeda ugu adeegsaneysaa inta badan maleeshiyaad siyaasadeed, iyadoo barakac ka abuureysa isla deegaankii ay dadku ka soo jeedeen,” ayuu yiri André.

Hadalka danjiraha hore ayaa ku soo beegmaya xilli dagaallada iyo xiisadaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo xaaladda bani'aadannimo. Dad badan oo ku nool deegaannada ay colaadaha saameeyeen ayaa wajahaya duruufo adag, iyadoo dagaalladu ay carqaladeyn karaan helitaanka cuntada, hoyga iyo adeegyada aasaasiga ah.

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka, isaga oo ka digay saameynta ay howlgallada milatari ku yeelan karaan dadka rayidka ah. Ma uusan faahfaahin tirada dadka ay saameeyeen duqeymahaas.

Danjirihii hore ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya ku cadaadiso joojinta dagaallada, ka hortagga barakac hor leh iyo xaqiijinta in gargaarka bani'aadannimo uu gaaro dadka u baahan. Wuxuu sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay lacagihii malaayiinta iyo balaayiinta doollar ahaa ee deeq-bixiyeyaashu u ururiyeen Soomaaliya xilligii abaartii 2022 iyo waxa uu ku tilmaamay taageero yari jirta xilligan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay mas'uul ka tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo wax ka qabashada baahiyahooda bani'aadannimo, inkastoo taageerada caalamiga ah ay weli muhiim tahay.

Dagaallada Koonfur Galbeed ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyo taageersan hoggaankii hore ee maamulka, waxaana iska horimaadyadu sii kordhiyeen walaaca laga qabo amniga iyo xaaladda dadka barakacayaasha ah.

Hadallada André waxay ku soo biirayaan dhaleeceynta caalamiga ah ee ku saabsan saameynta ay xiisadaha siyaasadeed iyo hawlgallada milatari ku leeyihiin shacabka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM

Manchester City oo jabisay xeerka Premier League kadib guushii Anfield

Sida uu tebiyay wariyaha caanka ah ee talkSPORT Alex Crook, saraakiisha Manchester…

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 04:03AM