​60 Boko Xaram oo Nigeria lagu dilay

Image

Afhayeen u hadlay Milateriga dalka Nigeria, ayaa sheegay in howlgallo ciidamadoodu fuliyeen lagu dilay in kabadan 60 katirsan kooxdaasi kadib weeraro lala beegsaday saldhigyo ku lahaayeen Waqooyi Bari dalkaasi.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka milateriga, Col Sani Usman, laba qof oo kale ayaa la xiray, iyadoo 120 qofna la soo badbaadiyay, waxaana dadkaas ka mid ahaa haweeney umushay daqiiqado ka hor intii aan la soo samata bixin.

Gaashaanle sare Sani Kukasheka Usman, ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta kusoo dhigeen saanad millateri iyo gaadiid dagaal isagoo xusay in howlgalka ka caawiyeen shacab ku dhaqan tuulooyin ku yaalla goobaha la weeraray.

Wuxuu intaasi raaciyay in askartoodu la kulmeen iska caabin goobaha qaybtood, balse iska waabiyeen qorshahoodana sidii la rabay ugu fulay.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa  madaxfurasho loo haystay muddo badan, waxaana la aqoon haybtooda iyo goobaha lagasoo afduubtay, waxayse dowladdu ku warantahay inay diiwaangaliyeen dhammaantood islamarkaana raadin doonaan qoysaskooda.

Waqooyi Bari dalka Nigeria waxaa aad ugu xooggan kooxda Booko Xaram, waxayna inta badan fuliyaan weeraro iyo afduub loo gaysto dad shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM