Kenya: 7 qof ku geeriyootay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Image

16 December, 2015(GO)-Ugu yaraan Todobo qof ayaa ku geeriyootay xeryaha qaxootiga Dhadhaab in kabadan 540 kalena waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka, kadib markii uu dillaacay cudurka daacuunka.

Cudurkan ayaa saamaynta ugu badan ka gaystay xero lagu magacaabo Dhagaxlay, waxaana saddex meelood dadka cudurkan soo ritay u badanyihiin caruur da'doodu ka hoosayso 12 sano.

Hay'adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn MSF ayaa caddaysay roobab ka da'ay xeryaha iyo nadaafad darro sababeen cudurkan.

Waxaa socda dadaalo lagu hakinayo fiditaanka cudurkan. Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale oo ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada ka furay Dadaab.

Xanuunkan ayaa ku soo beegmay xilli dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryahaasi ku yaalla dalka Kenya la daalaa dhacayeen macaluul, mana jirto cid arrintooda u istaagtay marka laga reebo hay'ado dhawr ah oo ku dadaalaya sidii loo yarayn lahaa samaynta cudurkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM