Kenya: 7 qof ku geeriyootay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Image

16 December, 2015(GO)-Ugu yaraan Todobo qof ayaa ku geeriyootay xeryaha qaxootiga Dhadhaab in kabadan 540 kalena waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka, kadib markii uu dillaacay cudurka daacuunka.

Cudurkan ayaa saamaynta ugu badan ka gaystay xero lagu magacaabo Dhagaxlay, waxaana saddex meelood dadka cudurkan soo ritay u badanyihiin caruur da'doodu ka hoosayso 12 sano.

Hay'adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn MSF ayaa caddaysay roobab ka da'ay xeryaha iyo nadaafad darro sababeen cudurkan.

Waxaa socda dadaalo lagu hakinayo fiditaanka cudurkan. Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale oo ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada ka furay Dadaab.

Xanuunkan ayaa ku soo beegmay xilli dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryahaasi ku yaalla dalka Kenya la daalaa dhacayeen macaluul, mana jirto cid arrintooda u istaagtay marka laga reebo hay'ado dhawr ah oo ku dadaalaya sidii loo yarayn lahaa samaynta cudurkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM