Aabaha iyo walaalaha Is-miidaamiyihii Sri Lanka oo la dilay

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Aabaha iyo laba wiil oo la dhalatay ninka la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay weeraradii Sri Lanka ayay Boolisku toogasho ku dileen.

Sidda ay wakaalada wararka Reuters kasoo xigtay illo wareedyo dhanka amniga ah, tani ayaa ka dambeysay markii hay’addaha amaanka ku duuleen hoygooda.

Z. Hashim, R. Hashim iyo aabahood M. Hashim ayaa kasoo muuqday muuqaalo qabsaday baraha bulshadda, iyaga oo meyd ah.

Marxuumiinta ayaa qayb ka ahaa 15 ruux oo ay caruur kamid yihiin oo uu Boolisku ku toogtay howlgal qorsheysan oo gurigooda lagu qaaday Jimcadii.

Ciidamada milatariga ayaa fuliyay howlgalkaasi oo sidoo kale lagu soo furtay walxo qarxa, diyaarado drones ah iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.

Niyaz Sharif, sodoga Zahran Hashim, ayaa la fahansan yahay in uu ahaa ninkii hogaaminayey weeraradii Axada ee galaaftay nolosha ku dhowaad 300 ruux.

Sri Lanka ayaa tan iyo xilligaasi waxaa la geliyay xaalad degdeg ah, iyadda oo ciidamada ay ugaarsanayaan shaqsiyaad xiriir la lahaa kuwa qaraxyada fuliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM