Aabe iska bixin waayey deyn lagu lahaa oo gabadhiisa ceeji lagu dilay

Image

NEW DEHLI, India – Gabar laba sano jir ahayd ayaa ceeji lagu dilay gudaha Hindiya ka gedaal markii, sida la sheegay, aabaheed uu iska bixin waayey lacago deyn ah oo lagu lahaa taasi oo dhan 142 dollar.

Inantan oo kasoo jeeday bulshada Hinduuga ayaa waxaa laga waayey hoygooda degmada Aligarh, waqoyga Hindia, 30-ka bishii May kahor inta aanan meydkeeda laga helin god qashin 2-dii bishaan June.

Booliska ayaa laga soo xigtay in laba ruux oo, sida lagu waramayo, ah Muslimiin waxay qirteen in ay ka dambeeyeen falkan oo caro iyo mudaaharaadyo xoogan ka abuuray guud ahaan gobolka.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo daabulay gobolka, halkaasi oo si lamid ah la hakiyey adeegsiga Internet-ka, talaabo lagu sifeeyay in lagu xoojinayo nabada, xasiloonida iyo kala dambeynta.

Dhacdooyinka noocaan ah ee ku saabsan dilalka arxanka daran ee lagula kacayo caruurta iyo haweenka ayaa waxay aad ugu soo badanaya Hindiya, oo ay ku nool yihiin 1.339 bilyan oo ruux.

Dowladda oo ku cel-celisa in ay la tacaaleyso ayaa u muuqata mid ku guuldareystay xili ciwaanada maalin-malaha ee saxaafada dalkaasi ay yihiin wararka ku aadan kufsiga iyo dilka caruurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM