Aabe isku dhiibay booliska markii uu gowracay gabadhiisa
NEW DEHLI, India – Booliska gobolka waqooyiga Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa qabtay nin qirtay inuu qoorta ka jaray gabadhiisa yar, sidda ay ku warantay warbaahinta CNN ee Mareykanka oo soo xiganeysa illo wareedyo bileys.
Sarvesh Kumar ayaa la qabtay xilli uu u socday saldhig boolis oo ku yaal degmada Hardoi habeenkii Arbacada, isaga oo sita madaxa uu ka gooyey gabadhiisa oo 17 jir ahayd.
Afhayeen u hadlay booliiska Hardoi ayaa u sheegay CNN Iimcihii inuu "lug ku gaarey saldhigga booliska si uu u qirto waxa uu sameeyay".
"Wuxuu u sheegay booliska inuu arkay gabadhiisa oo la socota nin dhalinyaro ah oo uu rumeysan yahay inay ka heshay, taasoo ka careysiisay maadaama uu ka soo horjeeday," ayuu afhayeenku intaas kusii daray.
Maaddaama Kumar, oo khudrad ka iibiye ka ah tuulada Pandetara, ayaa soo lugeeyay hal-mayl si uu u gaaro saldhigga booliska, iyaddoo mudadii uu soo socdey ay arkeen dad kuwaa soo bileyska wargeliyey kadibna joojiyey isla markaana bilaabay in ay ka duubaan muuqaal u noqonaya caddeyn.
Isla waqtigaas, sidda uu sheegay afhayeenka booliska, Kumar wuxuu mas'uuliyiinta uga sheekeeyay xiriirka gabadhiisa, isagoo tibaaxay inuu kaligeed ku helay guriga, kuna soo xirtey qol kadibna uu madaxa ka jaray isagoo adeegsanaya mindi.
"Markii aan tixgelino xaalada, wuu daganaa. Ma uusan ooyin ama cuqdad ma qabin. Markii booliiska ay la hadlayeen, waxay ka codsadeen in uu gabadha madaxeeda dhulka dhigo oo uu fariisto, taas oo uu dhageystay isagoon wax dood ah ka celin," ayuu hoosta ka xariiqay afhayeenka booliska oo u waramay telefishinka CNN.
Kumar wuxuu hadda ku jiraa xabsiga, isaga oo wajahaya su'aalo weydiin, sidda uu ku daray. Dacwadda waxaa lagu soo oogi doonaa marka baaritaanka uu dhamaado. Bileysku wuxuu xusay in uu heli doono qareen madani ah oo difaaci doona.
Hindiya ayaa soo warisay 24 kiis oo ah waxa loogu yeero "dil sharafeed" sannadka 2019-ka, sidda lagu sheegay tirakoobka xafiiska diiwaan-gelinta dambiyadda Qaranka ee waddankaas. Wali lama shaacin tirokoobka sanadkii hore 2020-kii.
GAROWE ONLINE