Afar qof oo xabsi loo seexiyay weerarkii ka dhacay caasimada Russia

Image
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay falkaas.

WASHINGTON, USA - Afar nin oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xasuuqii ka dhacay hoolka ruwaayadaha ee Moscow kaasoo ay ku dhinteen 137 qof ayaa xabsi la seexiyay, sidda ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Dhammaan afarta tuhmane ayaa lagu soo oogay dacwad argagixisanimo, sida ay sheegtay maxkamadda degmada Basmanny ee magaalada Moscow, waxaana ay wajahayaan xabsi daa’in.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartey in laba kamid ah eedaysanayaasha ay qirteen dambiga, mid ka mid ah oo u dhashay dalka Tajikistan, ayaa "gebi ahaanba iska fogeeyay dambiga".

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay “weerarka argagixiso ee waxashnimada ah”, wuxuuna Sabtidii sheegay in afarta nin ee hubaysan la qabtay xilli ay isku dayayeen inay u baxsadaan Ukraine.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Kiev ayaa si adag u beenisay inay wax xiriir ah la leedahay weerarka. Putin ayaan si guud uga hadlin sheegashada kooxda Daacish ee weerarka.

Ugu yaraan 137 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa la dilay fiidnimadii jimcaha kadib markii rag hubaysan ay weerareen hoolka Crocus City Hall ee ku yaal duleedka waqooyi ee Moscow ee Krasnogorsk kadibna dab qabadsiiyeen dhismaha.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Yurub ka dhaca oo ay sheegtaan Daacish. Falkan waxa uu yimid iyadda oo Putin uu u dabaaldegayo guushii uu ka gaarey doorashaddii ka dhacdey waddankaas ee mar kale uu kusoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM