Afduub dad shacab loogu gaystay magaalo ku taal bariga Nederland

Image
Booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in qofka afduubka gaystay uu ka lahaa ujeedo argagixiso.

Nederland (GO) - Dad shacab ah ayaa lagu afduubtay magaalo ku taal bartamaha dalka Nederland Sabtidii, sida ay booliisku sheegeen, iyadoo baneeyay dhamaan guryihii ku ag yaala halka ay dhacdadu ka dhacday.

Booliska ayaa bayaan uu ku soo qoray barta “X”: “Afduub ayaa ka dhacay dhismo ku yaal bartamaha magaalada Eedeh.”

Booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in qofka afduubka gaystay uu ka lahaa ujeedo argagixiso.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen meel maqaaxi ah oo lagu qaxweeyo, iyadoo dadka degan ilaa 150 guri loo daad gureeyay goobo ammaan ah.

Ilaa hadda ma cadda tirada dadka la afduubtay, balse warbaahinta gudaha ayaa tiradooda ku qiyaasay afar ilaa shan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM