Afghanistan: Dumarka oo faarujiyey shaashadaha Tv-yada

Image
Telefishinada ayaa sidoo kale waxay joojiyeen baahinta muusikada iyo masrax faneedyada.

KABUL, Afgaanistaan - Kanaalada TV-yada ugu weyn ee Afgaanistaan ​​ma joojin baahintii, balse waxoogaa isbedel ah ayaa la dareemayaa - oo ay ka mid tahay in shaashadda laga waayay dhammaan wariyeyaashii dumarka ahaa.

Isbedelada waxaa sidoo kale qeyb ah in fursad badan la siinayo Taalibaan kanaallada kala ah; TV-ga Qaranka Afqaanistaan ​​oo ay dawladdu leedahay iyo Tolo News, Ariana, Shamshad iyo 1TV oo si gaar ah loo leeyahay.

Mid kamid ah dhaliilaha loo jeediyo kooxda ayaa durba soo ifbaxaya. Dhammaan telefishinadda waxay ka gaabsadeen inay adeegsadaan ama ay baahiyaan muusik kasta ama masraxyo faneedyada.

Shaashadaha Tolo News iyo 1TV waxaa kusoo noqnoqonaya barnaamijyo ay sii daayeen shalay. Waxaa loo badinayaa in ay sabab u tahay dhibaatooyin ka haysta dhanka shaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, Saad Mohseni, oo ah milkiilaha Moby Group - oo ka kooban Tolo TV iyo Tolo News TV - ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Waxaan kuu xaqiijin karaa in dadkeennu ay hagaagsan yihiin oo aan sii wadi doono baahintayada aan kala go’ lahayn inta lagu jiro ‘kala -guurka’".

Moby Group waa isha ugu weyn madadaalada, wararka iyo barnaamijyada arrimaha taagan ee Afghanistan. TV-ga dowladda, oo ay Taliban la wareegeen fiidnimadii 15 -kii Ogosto, ayaa inta badan baahin jiray barnaamijyo diimeed.

TV-ga Shamshad, oo uu leeyahay kaaliyihii hore ee madaxtooyada, ayaa si weyn baahiyay waxyaabo badan oo taageera Taliban. Kanaalka wuxuu faafiyey muuqaalka dadweyne ku ammaanaya kooxda "in ay soo celisay amniga dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM