Afghanistan: Haweenay kale oo ku dhex-umushay diyaarad

Image
Soman Noori, oo 26 jir ah, ayaa ku dhex-dhashay diyaarad kusii jeeday magaaladda Birmingham ee Ingiriiska.

LONDON, Britain - Haweenay qaxooti reer Afgaanistaan ​​ah oo u qaxday UK ayaa gabadh ku umushay joog 30,000 oo fiit ah intii ay la socotay duulimaad kusii jeeda magaaladda Birmingham.

Soman Noori, oo 26 jir ah, ayaa ka duushay Dubai kuna socotay Birmingham, iyadoo hore uga soo tagtay Kabul markii ay foolanaysay, sida ay sheegtay shirkadda Turkish Airlines.

Iyadda oo uusan duulimaadka la socon wax dhakhtar ah, xubno ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa ka umuliyey gabadha yar oo loo bixiyey magaca Havva.

Turkish Airlines ayaa intaas waxay ku dartey in hooyada iyo cunuguba ay caafimaad qabaan. Ms Noori waxaa wehliyey seygeeda, Taj Moh Hammat, oo 30 jir ah, iyo labadooda carruur ah.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa tibaaxdey in duulimaadka ay ku degtay Kuwait si taxaddar leh ka hor inta aysan u sii gudbin Birmingham oo ay soo degtay 11:45 BST Sabtidii.

Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay duulimaadkii ugu dambeeyay ee daad-gureynta UK oo kaliya loogu talagalay muwaadiniinta Afgaanistaan ​​inay ka duushay gegida diyaaradaha ee Kabul galabnimadii Sabtida.

Duulimaadyada haray ee dheeraadka ah oo xukuumadda London ay kasoo daabuleyso Kabul ayaa waxaa kaliya saarnaan doona howlwadeenadda diblomaasiyeed iyo cutubyada militari ee UK.

Sikastaba, duulimaadyadda ayaa socday tan iyo markii kooxda Taliban ay la wareegtay gacan ku heynta caasimadda, iyadoo 31 -kii bisha Ogosto loo qabtay in ciidamada ajaniga ay dalkaas uga baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM