Afghanistan: Maxaa ka haray Ciidamada Mareykanka?
KABUL, Afghanistan - Ciidamada Mareykanka ayaa uga tagey Hamid Karzai International Airport qalab militeri, oo u badan diyaarado iyo gaadiidka dagaalka kadib markii uu waqtigii loogu tala-galay daadgureynta ku ekaa 21-ka August.
Waxaa la ogaadey in Ciidamada Mareykanka kasoo carareen 73 diyaaradood, ku dhawaad 100 baabuur iyo qalab kale oo hadda gacanta u galay Kooxda Taliban oo la wareegtay Afghanistan 20 sano kadib.
Gen Kenneth McKenzie, oo ah taliyaha taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa habeen hore shaaciyay in diyaaradaha iyo gaadiidka ay kasoo tageen ay yihiin kuwa aan dib loo isticmaali karin markale.
“Diyaaradahaas mar dambe ma duuli doonaan,” ayuu yiri Gen Kenneth McKenzie xili uu ku dhawaaqayay in Mareykanka uu soo afjaray ka bixitaanka dalka Afghanistan, isagoo sheegay in mudadii daad-gureynta socotay ay taageero fiican ka helaan Taliban.
Taliban ayaa sugeysay amaanka banaanka Garoonka Hamid Karzai International Airport oo labo todobaad ka socotay daad-gureyn xoogan, waxaana Ciidamada ajnabiga kasoo baxay ay horey usoo qaadeen in ka badan 120,000 oo qof oo reer Afghanistan ah kuwaasoo la shaqeynayay mudadii ay dalka joogeen.
Diyaaradaha laga tagey waxaa kamid ah:
Helicopters nooca MD-530, oo loo adeegsado sirdoonka iyo duqeymaha.
Diyaaradaha A-29 oo loo adeegsado weerarada fudud, kuwaasoo qiimahoodu yahay $10m.
Sida uu sheegay Gen McKenzie, 70 baabuur oo aan karin miinooyinka (MRAPs), ayaa laga soo tagey kadib laga burburiyay matooradda, waxaana Qiimaha halkii xabo gaaraya $ 500,000- $ 1m.
Waxaa kale oo Garoonka yaalla 27 baabuurta Humvee ee milatariga Mareykanka isticmaali jiray. Kooxda Taliban ayaa la wareegtay agabka, waxaana lagu soo waramayaa inay dayactir ku sameynayso si dib loogu adeegsado.
Mareykanka ayaa siiyay Ciidanka Afghanistan kahor ka bixitaanka in ka badan 2,500 Humvees, laga bilaabo December 2017 illaa April 2020, sida uu sheegay taliyaha.
Khubarada militeri, ayaa sheegaya inay qiimo weyn u yeelan karto agabka Mareykanka ka tagey Kooxda Taliban, oo la wareegtay wixii hub, diyaarado iyo gaadiid dagaal ah oo la siiyay Ciidamada Afghanistan intii u dhaxaysay 2003 iyo 2021.
Taliban ayaa sheegay in Mareykanka uu guul-darro kala soo baxay Afghanistan, taasoo cashar u noqon karta cid kasta oo isku dayda inay dalka ku duusho.
GAROWE ONLINE