Afqaanistaan: Taliban oo la wareegtay degmooyin muhiim ah

Image

KABUL, Afqaanistaan - Gulufka ay falaagadda Taliban ku qaadey waqooyiga Afqaanistaan ​​ayaa xalay wuxuu galay weji cusub iyada oo ciidamadda dalkaas laga qabsaday degmooyin dhowr ah kadib markii ay ka carareen, dhowr boqol oo ka mid ah askarta waxay ka carareen xuduudka Tajikistan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hay'ada ammaanka.

In ka badan 300 oo ka tirsan militariga Afghanistan ayaa ka soo talaabay gobolka Badakhshan ee Afghanistan iyadoo dagaalyahanada Taalibaan ay ku sii siqayaan xadka, sida uu xusay Guddiga Amniga Qaranka ee Tajikistan oo bayaan soo saarey Axadii. Ciidamada Afghanistan ayaa ka gudbay abaare 6:30 pm waqtiga maxaliga ah maalintii Sabtida.

"Waxaa hagaya mabaadi'da aadanaha iyo deris wanaagga," ayay ku dareen. Mas'uuliyiinta Tajik waxay u oggolaadeen ciidammada dowladda dib u gurashada ah ee Afghanistan inay u gudbaan Tajikistan, ayaa lagu yiri bayaanka.

Laga soo bilaabo bartamihii bishii Abriil, markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhawaaqay in la soo afjarayo "dagaalkii aan dhamaadka laahyn” ee Afghanistan, Taalibaan waxay ku tallaabsatay horumar dhan waddanka.

Laakiin guushii ugu weyneyd ee ay ka gaarto waxa ay noqotay waqooyiga dalka badhkiis, oo ah magaalo dhaqameed xoog ku xoogan yihiin maleyshiyaadka xulafada la ah Mareykanka ee ka caawiyay in laga adkaado 2001.

Taalibaan ayaa hada gacanta ku haysa qiyaastii seddex meelood meel dhamaan 421 degmo iyo xarumo degmo oo ku yaal Afghanistan taas oo dharbaaxo ku ah dowladda hadda ariminaysa.

"Faa'iidooyinka laga helayo waqooyi-bari gobolka Badakhshan maalmihii la soo dhaafay ayaa inta badan u yimid kooxda hubaysan dagaal la'aan," ayuu yiri Mohib-ul Rahman, oo xubin ka ah golaha gobolka. Wuxuu ku eedeeyay guusha Taliban inay tahay damiirka liita ee ciidamada oo intoodii badneyd laga tiro batay, sahayna aan haysan.

"Nasiib darro, inta badan degmooyinka waxaa loo daayay Taliban iyada oo aan wax dagaal ah dhicin," ayuu yiri Rahman. Seddexdii maalmood ee la soo dhaafay, 10 degmo ayaa gacanta u galay Taliban, siddeed dagaal la'aan," ayuu ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Boqollaal askarta Afghanistan, booliska iyo sirdoonka ayaa isku soo dhiibay fariisimahoodii milatari waxayna u carareen caasimada gobolka Badakhshan ee Faizabad".

Xitaa iyadoo kulan amniga looga hadlayo la qabtay horraantii Axadda si loo qorsheeyo xoojinta aagga Faizabad, qaar ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee gobolka ayaa ka tagayay magaalada kuna sii jeeday caasimadda Afghanistan ee Kabul, ayuu yiri.

Dabayaaqadii Juun, dowladda Afqaanistaan ​​waxay soo nooleysay maleeshiyo mutadawiciin ah oo caan ku ahaa rabshadaha bahalnimada ah si ay u taageeraan xoogagga Afqanistaan ​​ee dhibaataysan laakiin Rahman wuxuu yiri "in badan oo ka mid ah dagaalyahannada ku sugan degmooyinka Badakhshan ay iska dhiibeen oo keliya dagaal qalbi-furan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Dimuqraadiga Ku Eedeeyay Shilka Diyaaradeed Ee Potomac River

Trump oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in xilligii uu xilka hayay uu sare u qaaday…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 06:27PM

Axmad Al-Sharaa Oo Noqday Madaxweynaha Ku-Meel-Gaarka Ah Ee Suuriya

Qatar, oo taageeraysa maamul cusub, ayaa soo dhawaysay bayaan ay ku sheegtay…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 05:47PM