Ajaaniibta oo loo ogolaadey in ay ka baxaan Afghanistan

Image
Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood kadib markii Taalibaan ay ku dhowaaqday dowlad ku-meel gaar ah.

KABUL, Afghanistan — Laba boqol oo qof oo isugu jira Mareykan iyo ajaaniib kale oo ku sugan Afghanistan ayaa lagu wadaa inay maanta Kabul kaga baxaan diyaarad gaar ah, kadib markii dowladda cusub ee Taalibaan ay ogolaatay in la daad-gureeyo, waxaa sidaas sheegay sarkaal Mareykan ah.

Dhoofitaankan ayaa ka mid noqon doonaa duulimaadyadii ugu horreeyey ee caalami ah ee ka baxa garoonka Kabul tan iyo markii ay si rasmi ah ula wareegeen Taalibaan 31-kii August.

Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood kadib markii Taalibaan ay ku dhowaaqday dowlad ku-meel gaar ah oo badankeed ka kooban rag kasoo jeeda qowmiyadda Pashtun, oo ay ku jiraan xagjiriin ay saaran yihiin xayiraado caalami ah.

Sida uu sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin u sheegay Reuters, wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ee Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa Taalibaan ku cadaadiyey inay ogolodaan in dadkaas ay dalka ka baxaan.

Sarkaalka ma sheeegin haddii dadka Mareykanka iyo ajanaiibta kale ah ay ka mid yihiin dad maalmo ku xaniban magaalada Mazar-i-Sharif, kuwaas oo diyaaraddooda gaarka ah loo diiday inay baxdo.

Dowladda cusub ee Taalibaan ay ku dhowaaqday Talaadadii ayaa loo arkay astaan muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay ballaariyaan xeendaabkooda. Dalalka caalamka ayaa dowladdaas uga falceliyey si taxaddar leh.

REUTERS + VOA

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM