Ajaaniibta oo loo ogolaadey in ay ka baxaan Afghanistan

Image
Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood kadib markii Taalibaan ay ku dhowaaqday dowlad ku-meel gaar ah.

KABUL, Afghanistan — Laba boqol oo qof oo isugu jira Mareykan iyo ajaaniib kale oo ku sugan Afghanistan ayaa lagu wadaa inay maanta Kabul kaga baxaan diyaarad gaar ah, kadib markii dowladda cusub ee Taalibaan ay ogolaatay in la daad-gureeyo, waxaa sidaas sheegay sarkaal Mareykan ah.

Dhoofitaankan ayaa ka mid noqon doonaa duulimaadyadii ugu horreeyey ee caalami ah ee ka baxa garoonka Kabul tan iyo markii ay si rasmi ah ula wareegeen Taalibaan 31-kii August.

Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood kadib markii Taalibaan ay ku dhowaaqday dowlad ku-meel gaar ah oo badankeed ka kooban rag kasoo jeeda qowmiyadda Pashtun, oo ay ku jiraan xagjiriin ay saaran yihiin xayiraado caalami ah.

Sida uu sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin u sheegay Reuters, wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ee Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa Taalibaan ku cadaadiyey inay ogolodaan in dadkaas ay dalka ka baxaan.

Sarkaalka ma sheeegin haddii dadka Mareykanka iyo ajanaiibta kale ah ay ka mid yihiin dad maalmo ku xaniban magaalada Mazar-i-Sharif, kuwaas oo diyaaraddooda gaarka ah loo diiday inay baxdo.

Dowladda cusub ee Taalibaan ay ku dhowaaqday Talaadadii ayaa loo arkay astaan muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay ballaariyaan xeendaabkooda. Dalalka caalamka ayaa dowladdaas uga falceliyey si taxaddar leh.

REUTERS + VOA

Related Articles

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM