Al Sisi oo booqasho taariikhi ah ku tagay Ciraaq

Image
Image
Image
Image
Image

BAQDAAD, Ciraaq - Madaxweynaha Masar, Abdul Fattah Al Sisi, ayaa maanta Baqdaad ku gaarey booqashadii ugu horeysay ee hogaamiye Masar ah uu ku tago Ciraaq tan iyo markii Saddam Hussein uu 1990-kii galay dagaalkii Kuweyt.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah ka qeybgalka Al Sisi ee shir seddex geesood ah kaasoo ay qeyb ka yihiin Boqorka Urdun, King Abdullah II iyo Raiisul Wasaaraha Ciraaq, Mustafa Al Kadhimi.

Hoggaamiyeyaasha saddexda dal ayaa waxay bilaabeen shirar joogto ah tan iyo bishii Maarso 2019, iyagoo sare u qaaday xiriirka dhinacyada kala duwan.

Markii uu gaaray Baqdaad, Al Sisi wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih iyo Al Kadhimi ka hor kulanka sadex geesoodka ah ee diirada lagu saaro kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga.

“Booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha ee Baqdaad, oo ahayd tii ugu horeysay ee Madaxweyne Masaari ah 30 sano kadib, waxay ka tarjumaysaa awoodda xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Masar iyo Ciraaq,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Masar, Bassam Radi.

Radi ayaa ku daray: "Waxay xoojineysaa sida ay Masar u jeceshahay in ay kor u qaado oo ay u horumariso xiriirka ku wajahan himilooyinka ugu waawayn ee ku saleysan midnimada masiirka iyo caqabadaha".

Isagoo jooga Baqdaad, Al Sisi, oo xilka qabtay 2014, wuxuu bogaadiyay dadaalka Ciraaq ee ku aaddan horumarinta amniga iyo xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Dabayaaqadii 2017, Ciraaq waxay ku dhawaaqday inay ka guuleysatay ururka DAACISH isla markaana ay dib ula soo noqotay dhammaan dhulkii Ciraaq ee ay hore u qabsadeen kooxaha xagjirka ah.

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu Axadii soo dhoweeyay Al Sisi iyo boqorka Jordan, isagoo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in wada hadaladooda "ay aasaas u yihiin fekradaha mustaqbal ee dadka saddexda dal oo ku saleysan iskaashi iyo isdhexgal".

Shirka ayaa markii hore loo qorsheeyay bishii Maarso, laakiin dib waxaa loogu dhigay laba jeer sababo la xiriira shil tareen oo halis ah oo ka dhacay Masar iyo Jordan, dhacdooyin galaaftay nolosha boqolaal ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM