Amiir Sacuudiyaan ah oo iska iibiyey dhisme uu ku lahaa UK

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Amiir Bandar bin Sultan, oo ah xubin sare oo ka tirsan boqortooyada Sucuudiga, ayaa ka iibiyey boqorka Baxreyn qoyskiisa dhul ballaaran oo ku yaal waddanka Ingiriiska, sida ay sheegeen dad si dhow ula socda heshiiska.

Sida majalada Bloomberg kasoo xigatay dadkaas magacyadooda uga gaabsaday sababo jira awadeed, safiirkii hore ee Sacuudiga u fadiyey Mareykanka wuxuu iibiyay Glympton Park oo ku yaal gobolka Cotswolds ee bisha Febraayo.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in heshiiska uu ahaa mid si weyn loo diyaariyey isla markaana loogu talagalay in aysan ogaan warbaahinta madaxa-banaan.

"Qiimaha iibku wuxuu ka badnaa 120 milyan oo ginni ($ 165 milyan)," mid ka mid ah dadkaas ayaa sidaas yiri, sidda ay kasoo xigatay Bloomberg.

Dukumiintiyada lahaanshiyaha ayaa bishan loo gudbiyey Glympton Estates Ltd., oo ah shirkadda maamusha dhismaha, waxaana la sheegay in ay ka muuqdaan isbeddel dhanka lahaanshaha dhismaha.

"Waxay hadda qorayaan King Hamad bin Isa al-Khalifa iyo wiilkiisa, Dhaxal-sugaha Amiir Salmaan Bin Hamad Bin Isa Al Khalifa, inay yihiin dadka sida weyn gacanta ugu haya shirkadda, oo beddelaya Amiir Bandar," ayay ku dareen dadkaas xogta dusiyey.

Talaabadan waxay hoosta ka xariiqaysaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn, oo ah jasiirad deris la ah ee Riyadh oo si weyn ugu tiirsan boqortooyada xagga amniga iyo taageerada maaliyadeed.

Dulaaladda Prince Bandar ayaa diiday inay faallo ka bixiyaan heshiiska. Dhanka kale, wakiilada Boqorka Baxreyn kama aysan jawaabin codsiyada loo diray ee ku saabsan in ay fahfaahin ka bixiyaan heshiiskan soojiitay indhaha warbaahinta caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM