Amiirka Qadar iyo Bin Salman oo telefoonka kuwada hadlay
RIYADH, Suadi Arabia - Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed Bin Salmaan, ayaa ku wada hadlay qadka taleefanka, waxaana ay kawada arrin-sadeen arrimaha deegaanka, oo ay ka mid yihiin horumarinta tamarta nadiifka ah.
Labada hoggaamiye waxay Isniintii ka shiray dadaallada "Green Saudi iyo Green Middle East" oo ay ku dhawaaqdey boqortooyadda Sacuudi Carabiya, ayaa warisay Wakaaladda Wararka ee Qatar (QNA).
Waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimada ay leedahay in si wada jir ah wax looga qabto guud ahaan gobolka marka laga hadlayo caqabadaha deegaanka.
Sheikh Tamim wuxuu muujiyay inuu taageersanyahay dedaaladda lagugaarayo yoolalka deegaanka, sida ay wararku sheegayaan.
Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxay ku talajirtaa inay bilawdo laba dadaal oo looga golleeyahay yareynta qiiqa ka baxa iyo ka hortaga wasakheynta iyo xaalufinta dhulka.
Amiir Maxamed, oo loo yaqaan MBS, ayaa sheegay in Hindisaha Green Saudi ay ujeedadiisu tahay in lagu beero 10 bilyan oo geed tobannaanka sano ee soo socda.
Waxay sidoo kale ujeedadeedu tahay in la yareeyo qiiqa kaarboonka iyada oo loo marayo mashaariic tamarta la cusboonaysiin karo oo ay ku bixin doonto boqolkiiba 50 wax soo saarka korontada sanadka 2030, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.
Riyaad waxay sidoo kale la shaqeyn doontaa wadamada kale ee Carbeed qorshe lagu doonayo in lagu beero 40 bilyan oo geed oo kale guud ahaan Bariga Dhexe iyadoo qeyb ka ah mid ka mid ah barnaamijyada dhiraynta ugu weyn adduunka, sida lagu sheegay warbixinnada.
Bishii Juun 2017, waddammada go'doomiyay waxay ku eedeeyeen Qatar inay "taageerto argagixisada" ayna aad ugu dhowdahay Iran; waxay jareen xiriirkii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee xayiraadda oo socotey illaa sannadkan.
Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha waxayna sheegtay in aysan jirin "cudurdaar sharci ah" oo ku saabsan xiriirka loo jaray. Balse, isu soo dhowaanshiyo ay Kuwait door weyn ka cayaartay waxay dhabaha u xaartey in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan dibna u soo celiyaan cilaaqaadkooda saxda ah.
GAROWE ONLINE