Amniga garoomada Ciyaaraha Yurub oo la adkeeyay

Image

21 November, 2015(GO)-Garoomada lagu qabanayo ciyaaraha maanta ka dhacaya Qaaradda Yurub ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo labo jibaar ku ah kuwii horey u ilaalin jirtay.

Arrintan ayaa timi weerar galaaftay nolosha dad badan oo todobaadkii hore ka dhacay dalka Faransiiska.
Meelaha sida aadka loo ilaalinayo waxaa ka mid ah, garoonka lagu qabanayo ciyaarta ugu xiisaha badan kubadda cagta ee dhexmari doonta Real Madrid iyo Barcelona (El Clasic).

Ugu yaraan kun (1,000) askeri ayaa xaadiri doona taas oo laba jibaar ku ah ciidamadii horey loo geyn jiray kulamada u dhexeeya labadaasi koox ee ka dhisay waddanka Spain.

Sidoo kale garoomada ay ka dhacayaan ciyaaraha horyaalka Britain ee Premier League ayaa amnigooda la adkeynayaan.

Horyallada kale ee laga ciyaaro Jarmalka iyo Farasiiska ayaa sidaasi si la mid ah amnigooda la sugay, waxaana xalay bilaabatay ciyaar ka tirsan horyaarlka France, waxaana shaashadaha laga arkayay ciidamo tiro badan oo amniga xaqiijinayay.

Dhawaan, waxaa cabsi darteed loo baajiyay ciyaaro saaxiibtimo oo dhexmari lahaa waddamo ku yaalla qaaradda Yurub, ka dib weerarkii France.

Fadhi maanta golaha amniga Qaramada Midoobay isugu yimaadeen ayaa lagu ansixiyay qaraar uu soo gudbiyay waddanka Faransiiska kaasi oo dhigaya in la weeraro saldhigyada waaweyn ee kooxda Daacish ku leedahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM