Aqalka Cad oo xaqiijiyey geerida wiilka Osama bin Laden

Image

WASHINGTONG, US – Aqalka Cad ee looga armiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey geerida Xamsa, wiilka hogaamiyihii Al-Qaacida ee geeriyooday Osama bin Laden.

War-saxaafadeed soo baxay Sabtida maanta ah ayaa waxaa lagu sheegay in Xamsa lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo aanan la fahfaahin goorta uu dhacay.

Bayaanka oo warbaahinta loo diray ayaa waxa uu intaasi ku daraya in howlgalku uu ka dhacay gobol u dhaxeeya wadamadda Afghanistan-Pakistan.

"Dhimashada Xamsa kaliya ma wiiqeyso muhiimada doorkiisa hogaamineed ee Al-Qaacida iyo xirfadiisa isku xirka ee aabihii," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa intaasi la raaciyey: "Balse, waxay kaloo hoosta ka xariiqeysaa ahmiyadda uu u lahaa howlgalada kooxdaasi argagixisadda ah".

Bishii July ee sanadkan 2019-kii ayey ahayd markii telefishinka NBC uu sirdoonka Mareykanka kasoo xigtay dilka Xamsa, oo xubin firfircoon ahaa.

Xaqiijintan ayaa kusoo aadeysa saddex maalmood kadib sanad guuradii weeraradii daaraha mataanaha oo uu naqshadeeyay Osma bin Laden.

Dhacdadaasi ayaa galaafatay ku dhowaad saddex kun oo ruux. Osama ayay ciidamada Mareykanku ku khaarijiyeen Pakistan, bishii May 2011-kii.

Bishii Febraayo, dowladda Mareykanka ayaa Xamsa dul-dhigtay 1 milyan oo dollar, waxayna ku sifeysay "hogaamiyaha xiga ee Al-Qaacida iyo dhaxal-suge Jihaad".

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM