Arday ku dhawaaday in laga tarxiilo Ireland oo jaamacad ka qalin jabiyay.

Image

DUBLIN - Shepherd Machaya oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Zimbabwe ayaa sanadkii 2018 ay waaxda cadaaladda ee Ireland u jartay warqadda in 5 bari gudahood looga musaafuriyo Ireland.

Waxaa uu yiri " waxay ahayd maalintii dhalashadayda markii aan helay markii aan helay deeqda waxbarasho waan ooyay ".

Wakhtigaas waxaa uu ku noolaa xarunta qaxootiga isaga oo dhawr qof oo kale la wadaagay hal qol ayna adkayd gaarista jaamacada iyo helida Labtop.

Midawga ururka Ardayda ee Jaamacada Dublin City University isaga iyo maamulka jaamacada ayaa garab istaag u muujiyay iyaga oo dibad-baxyo kahor dhigay xafiiska laanta cadaaladda eeb caasimada Dublin.

Ugu danbayn 2021 ayaa lasiiyay ogolaanshiyaha ku noolaanshiyaha Ireland isaga oo ugu danbayn todobaadkaan qaatay shahaadada heerka koowaad ee Computerka.

Wargeyska Irish Times oo sheekadaan qorey ayaa kasoo xigtay, Machaya " ma garanayo wax kale oo aan dhaho jaamacada waxay ahayd sidii hooyo ilmaheeda korinaysa ayay ii garab istaageen".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM