Arday ku dhawaaday in laga tarxiilo Ireland oo jaamacad ka qalin jabiyay.

Image

DUBLIN - Shepherd Machaya oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Zimbabwe ayaa sanadkii 2018 ay waaxda cadaaladda ee Ireland u jartay warqadda in 5 bari gudahood looga musaafuriyo Ireland.

Waxaa uu yiri " waxay ahayd maalintii dhalashadayda markii aan helay markii aan helay deeqda waxbarasho waan ooyay ".

Wakhtigaas waxaa uu ku noolaa xarunta qaxootiga isaga oo dhawr qof oo kale la wadaagay hal qol ayna adkayd gaarista jaamacada iyo helida Labtop.

Midawga ururka Ardayda ee Jaamacada Dublin City University isaga iyo maamulka jaamacada ayaa garab istaag u muujiyay iyaga oo dibad-baxyo kahor dhigay xafiiska laanta cadaaladda eeb caasimada Dublin.

Ugu danbayn 2021 ayaa lasiiyay ogolaanshiyaha ku noolaanshiyaha Ireland isaga oo ugu danbayn todobaadkaan qaatay shahaadada heerka koowaad ee Computerka.

Wargeyska Irish Times oo sheekadaan qorey ayaa kasoo xigtay, Machaya " ma garanayo wax kale oo aan dhaho jaamacada waxay ahayd sidii hooyo ilmaheeda korinaysa ayay ii garab istaageen".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM