Askar Mareykan ah oo ku nafwaayey shil diyaaradeed

Image
Xaqiijinta ayaa timid kadib in ka badan 72 saacadood oo dadaalo samatabixin ah oo ay ku lug lahaayeen 34 diyaaradood.

WASHINGTON, USA - Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa shaaciyey inay dhinteen shan askari oo la waayay markii diyaarad ay la socdeen oo ah nooca qumaatiga u kacda ee milatariga ay ku dhacday badda xeebta San Diego, gobolka California, horraantii toddobaadkan.

Bayaan soo baxay Arbacadii ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay isku dayeysay in ay ka qeyb-qaadato howlgal samata-bixin kadib markii diyaarad helicopter ah oo ah nooca MH-60S ay ku dhacday badda Baasifigga 31-kii bishii lasoo dhaafay ee Ogosto.

Xaqiijinta ayaa timid kadib in ka badan 72 saacadood oo dadaalo samatabixin ah oo ay ku lug lahaayeen 34 duulimaad oo baadigoob iyo samatabbixin ah iyo ugu yaraan 170 saacadood oo duulimaad ah oo ay ku lug lahaayeen shan helikobtarro wax baadi-goob ah iyo markab dushiisa oo joogto ah, sida lagu sheegay bayaanka.

"Helicopter-ka ayaa ka soo duulay USS Abraham Lincoln wuxuuna ku dhacay badda galabnimadii Talaadada isagoo "hawlo duulimaad caadi ah ka waday meel qiyaastii 60 mayl-badeed u jirta xeebta San Diego," sida lagu caddeeyay warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Anaga oo ixtiraamayna qoysaska iyo si waafaqsan siyaasadda Badda, aqoonsiyada Badmaaxiinta ayaan la baahin doonin muddo ilaa 24 saacadood kadib marka la wargeliyo xigtadooda".

Baaritaan ku saabsan waxa sababay shilka ayaa sii socda, hase ahaatee, xaqiiqda ah in badmaaxiintii saarnaa markabka ay dhaawacmeen ayaa su’aalo ka keenay bal helikobtarrada ama qaybo ka mid ah ay ku dhacday Lincoln.

Helicopter-ka MH-60S wuxuu sida caadiga ah qaadaa askar gaaraysa ilaa afar waxaana loo adeegsadaa howlgallada ay ka mid yihiin taageerada dagaalka, gargaarka musiibada bani’aadamnimada iyo baadigoobka iyo samatabbixinta dhacdooyinka ka dhaca bariga iyo badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM