Askari hore Derek Chauvin oo ay ku cadaatay dilka Goerge Floyd

Image

WASHINGTON, USA - Derek Chauvin oo ah askari horay uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow ayaa lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay.

Chauvin ayaa lagu helay saddex danbi oo kala ahaa, darajada labaad ee dil aan qasdi aheyn, darajada saddexaad ee dil ula kac ah iyo darajada labaad oo ah dil aan ula kac aheyn.

Marki ay guddigii xeer-beegtida aheyd ay ku dhawaaqeen go’aankooda oo ahaa in Derek Chauvin uu danbiile yahay, ayaa markiiba waxaa bannaanka maxkamadda ka billowday dabaaldag ay sameeyeen ehelka iyo taageerayaasha Goerge Floyd iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bulshada madow.

Floyd ayaa sannadkii hore u dhintay neef-xiran, kaddib markii uu muddo 9 daqiiqo ah uu surka jilibkiisa ugu taakeeyay Derek Chauvin oo markaasi ahaa askari ku jira waajibaadkiisii shaqo.

Muuqaalkii laga duubay dhacdada oo aad loogu faafiyey baraha bulshadda ayaa kiciyay mudaaharaadyo ruxay Ameerica lagana dareemay inta badan caalamka.

Chauvin ayaa la xiray kaddib markii lagu dhawaaqay xukunkiisa, iyadoo garsooraha maxkamadda degmada Hennepin uu laalay damaanaddii uu bannaanka ku joogay, wuxuuna sugi doono ciqaabta dambigii lagu helay.

Ciqaabka uu ku muteysanayo dambiga lagu helay ayaa lagu dhawaaqi doonaa sideed todobaad kadib. Mas'uuliyiin kala duwan waxay si weyn u soo dhaweeyeen xukunka kuna tilmaamay "in cadaaladda ay si weyn u shaqeysay".

GO + VOA

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM