Askari Soomaali-Mareykan ah oo lagu helay dilka haweenay
WASHINGTON, United State – Askari horey tirsanaa Booliska Mareykanka ee gobolka Minnesota ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay haweenay aan hubeysneen oo reer Australia ah.
Maxamed Nuur ayaa 15-kii July 2017-kii toogtay Ruszczyk Damond oo ugu yeertay bileyska suurtogalnimada kufsi ka dhacaya dhabarka dambe ee hoygeeda.
Nuur, 33 jir, oo todobaadkii hore la su'aallay ayaa sheegay in uu rasaasta u furay cabsi ku aadan in isaga iyo saaxiibadii uu weerar gaadmo kusoo food-leeyahay.
Marxuumad Damond, macalin 40 jir oo ka timid magaalada Sydney, oo bil kahor geerideeda la mehersaday ayaa u socotay in ay qaadato bisha malabka.
Dhimashadaasi oo sababtay dhaleeceyn caalami ah ayaa ra’iisul wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull, wuxuu xilligaasi ku tilmaamay mid "aan macquul ahayn".
Nuur oo la jeebeeyay isla markiina la xiray ayaa Talaadadii lagu helay dacwada dilka heerka saddexaad iyo midka labaad ee ah dil yimid xaalad aan munaasab ahayn.
Hasayeeshee, nasiib wanaag waxa lagu waayey dacwada halista ah ee heerka labaad taasi oo ah in uu si ola kac ah u geystay falka.
Maxkamadda ayaa dhageysatay in dhibanaha, oo haysta dhalashada Mareykanka iyo Australia, la khaariyay waxyar kahor markii ay telafoonka ula hadashay saaxiibkeed.
Nuur oo isbuucii hore mar kale kasoo muuqday maxkamada ayaa carabka ku adkeeyay in talaabada uu qaaday uu wax badan ka daaran degay.
"Qaylo ayaan maqlay, si aan u badbaadiyo nolosheyda iyo tan saaxiibadey waxaa qataay go’aan aan ku toogtay haweenayda," ayuu ku adkeystay.
Balse ma uusan dhicin weerar uu ku andacooday Nuur in uu ka cabsi qabay in uu kusoo food-leeyahay isaga iyo saaxiibadii.
Dacwad oogayaasha ayaa su'aal ka keenay hadii qaylada uu sheegay Nuur ay tahay mid xaqiiqo ah, maadaama aanan loo sheegin siday wax u jiraan.
Damond oo aan gacmaheeda laga helin caddeymo muujinaya in ay gaariga taabatay ayaa kahor inta aan la toogan ku nooleed Las Vegas oo ka tirsan Nevada.
Waxay u timid magaaladda Midwestern si ay ula aqal-gasho lamaankeeda Don Damond oo faraanti geliskooda uu horey u dhacay.
"Wicitaankii labaad oo aan helay wuxuu ahaa geerideeda … in qoyskeeda aan u sheego dhimasheedana waxay ahayd wicitaankii ugu xumaa," ayuu yiri Don.
Maxamed Nuur oo asal ahaan Soomaali kasoo jeeda kaasi oo Mareykanka ku tegay qaxooti ahaan ayaa ku biiray ciidamada Booliska sanadkii 2015-kii.
Hasayeeshee, waxaa gebi ahaanba shaqada laga eryay markii lagu soo dacweeyay kiiskaasi toogashada ah.
Dhacdadaasi ayaa sababtay in taliyaha Booliska Minneapolis, haweenayda lagu magacaabo Janeé Harteau iyo duqa magaalada ay guuldaro kala kulmeen doorashadii ugu dambeysay.
Qoyska Damond oo dacwad ka dhan ah magaalada iyo saraakiil Boolis gudbiyay ayaa waxay baadigoobayaan aduun dhan 50 milyan oo dollar oo magdhow ah.
Taliyaha Booliska Minneapolis ee haatan Medaria Arradondo oo war-saxaafadeed soo saarey kadib xukunkii Talaada ayaa raaligeliyey reerka, isaga oo bogaadiyey go'aanka maxkamada.
GAROWE ONLINE