Madax ka tanaadey maalgashiga dibada oo la kashifay
NEW YORK, USA - Baaritaan ballaaran caalami ah ayaa lagu kashifay hoggaamiyeyaasha adduunka ee sida qarsoodiga ah hantida u dhigtay dibadda iyadda oo qiimuhu gaarayo wax ka badan tirilyan doollar Mareykanka ah.
Waraaqaha loogu magac-daray Pandora Papers oo noqdey baaritaan taariikhi ah ayaa a daabacay Axaddii. Daladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista (ICIJ) oo ay ku mideysan yihiin 600 wariye oo ka kala tirsan 150 xarumo warbaahineed oo ku yaal 117 dal ayaa sameeyay baaritaankan saacadihii lasoo dhaafay qabsadey warbaahinta dunida.
Iyada oo qodaysa in ka badan 11.9 milyan oo dokumentiyo ah oo ka soo baxay 14 shirkadood oo adeegyo maaliyadeed dibada ku yaala, ICIJ ayaa ogaatay in 35 madax dowladeed iyo in ka badan 300 oo siyaasiyiin ah ay lacago dhigteen Jasiiradaha British Virgin Islands, Seychelles, Hong-Kong iyo Belize. Qaarkood ay ka dhuumanayaan canshuurta.
Marka laga soo tago siyaasiyiinta iyo madaxda dowladaha, fannaanadda Shakira iyo kabtankii hore ee Cricket -ka Hindiya Sachin Tendulkar ayaa ka mid ah dadka caanka ah iyo xiddigaha isboortiga ee la kashifay.
Urdan
Boqorka Jordan Abdullah II ayaa la sheegay in hanti ku dhow $100m ay u taalo Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska isagoo adeegsanaya shirkado qarsoodi ah. Wuxuu iibsadey intii u dhaxaysay 2003 iyo 2017 iyada oo loo sii marayo shirkado ka diiwaangashan goobaha canshuuraha waxaana ku jira guryaha Malibu, koonfurta California, iyo Washington iyo London.
Lubnaan
Faylasha la dusiyey ayaa sidoo kale muujiyey in dalka Lubnaan ee deriska la ah Urdan dadka ugu sarreeya xagga siyaasadda iyo maaliyaddu ay soo dhaweeyeen ganacsiga dhanka xeebaha iyo dibadda.
Shaqsiyaadka la magacaabay waxaa kamid ah; Ra'iisul Wasaare Najib Mikati oo ka horreeyay Xasan Diab, Riad Salameh, guddoomiyaha bangiga dhexe ee Lubnaan - oo hadda baaritaan lagu hayo Faransiiska oo lagu eedeynayo in la dhaqay lacago - iyo wasiiru dowlihii hore iyo guddoomiyaha Al Mawarid Bank Marwan Kheireddine.
Baakistaan
Waraaqaha Pandora waxay muujinayaan in xubno caan ah oo ka tirsan xukuumadda Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan, deeq -bixiyeyaasha xisbigiisa iyo xubnaha qoyska jeneraallada millateriga ee awooda leh ay malaayiin doollar hantiyeen iyada oo loo marayo shirkado shisheeye.
Laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada Khan - Wasiirka Khayraadka Biyaha Moonis Elahi iyo Wasiirka Maaliyadda Shaukat Tarin - ayaa kasoo muuqdey xogtan, oo ay weheliyaan in ka badan 700 oo kale oo muwaadiniin Pakistan ah.
Kenya
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo lix xubnood oo qoyskiisa ah ayaa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ku yaal dibadda sida ku cad dukumiintiyada. Maalgashiga Kenyatta ee dhanka dibaddawaxaa ka mid ahaa shirkad haysata kayd iyo dammaanad qiimihiisu yahay $30m, sidda ay tabisay laanta dunida la hadasha ee BBC-da.
Boqortooyada Ingiriiska
Tony Blair, oo ahaa ra'iisul wasaaraha UK intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2007, wuxuu noqday milkiilaha dhisme ku yaala Fiktooriya kaasoo ku fadhiya $ 8.8m sannadkii 2017 isagoo iibsaday shirkad ku taala British Virgin Islands oo haysatay hantida, dhismuhuna hadda wuxuu martigaliyaa shirkadda sharciga ee xaaskiisa, Cherie Blair, sida baaritaanka lagu sheegay.
Labaduba waxay shirkadda ka iibsadeen qoyska warshadaha iyo wasiirka dalxiiska ee Bahrain, Zayed bin Rashid al-Zayani. Iibsashada saamiyada shirkadda halkii laga dhisi lahaa dhismaha London waxay u badbaadisay Blairs in ka badan $400,000 oo canshuur hantiyeed ah, sida laga soo xigtey nuqul kamid ah baaritaanka.
Falanqeeyeyaasha ayaa natiijadda baaritaanka ka bixiyey aragtiyo kala duwan. Inta badan qeybtooda waxay tibaaxeen in ay muujineyso sida madaxda qaar ugu takri-falaan hantida dadweynaha loo doortey in ay u caawiyaan.
GAROWE ONLINE