Baaritaanka kiiska kufsiga ee aas-aasaha WikiLeaks oo dib loo bilaabayo

Image

STOCKHOLM, Sweden – Xeer-ilaalinta guud ee dalka Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay dib u fureyso baarista gal-dacwadeedka kufsiga ee ka dhanka ah aas-aasaha WikiLeaks.

Eva-Marie Persson, agaasimaha guud ee xafiiska dacwad-oogaha wadankaasi reer Yurub, ayaa sheegtay in sababtu ay tahay in ay suurtogal tahay caddeymo haatan la heli karo.

Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii ay dowladda Sweden hakisay baaritaanka kiiskaan markii uu wariye Julian Assange uu isu dhiibay safaarada Ecuador ee London.

Bishii hore ayay safaaradu kala noqotay magan-malyo siyaasadeed oo ay siisay Assange in ka badan tobban sano, taasi oo sahashay in uu galo gacmaha bileyska UK.

Persson oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka codsatay Booliska Boqortooyada Britain in ay usoo gacan-geliyaan saxafigaan, oo haatan ku jiray xabsiga Belmarsh ee London.

Mareykanka ayaa aad u doon-doonaya Assange, kaasi oo dunida u soo bandhigay tacadiyo ay ciidamada dalkaasi ka geysteen meelo kamida bariga dhexe sida Ciraaq.

Kiiska kufsiga ee ka dhanka ah wariyahaan ayaa waxaa kusoo eedeeyay gabar kamid ahayd howlwadeenada shabakada siraha kashifta ee WikiLeaks.

Geesta kale, maamulka shabakadda WikiLeaks ayaa talaabada dowlada Sweden ku tilmaamtay mid siyaasaodeysan, oo lagu majaxaabinayo saxaafada xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM