Baraf ka da'aya Maraykanka oo xaalad dag dag ah abuuray

Image

Washington DC: Xaalad dag-dag ah ayaa looga dhawaaqay qaybo kamid ah Bariga dalka Maraykanka kadib markii uu bilowday baraf la sheegay inuu da'ayo ilaa soddonka saacadood ee soo socda.

Magaalada Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo goobo kale, waxaa laa joojiyay isusocodka gaadiidka, diyaaradaha, waxaana islamaanta la hakin doonaa socodka Tareenada.

Barafkan oo dabaylo wata ayaa lasoo warinayaa inuu saamayn doono in kabadan 80 malyuun oo Maraykanka ah, kuwaas oo lagu wargaliyay inaysan kasoo bixin guryahooda.

Ciidamada dalkaas ayaa heegan la galiyay si ay qayb uga qaataan gurmadka hay'adaha gargaarka iyo dowladda hoose ee Bariga dalka Maraykanka.

Saraakiisha dhinaca cimilada ayaa sheegaya in barafkan da'aya uu koronto la'aan dhigi doono dad badan.

Ilaa hadda majirto wax khasaaro ah oo dabaylaha iyo barafka dalkaas gaysteen, marka laga reebo cabsida laga qabo waxyeelo soo gaarta shacabka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM