Basaas hore oo Israa'iil-Maraykan ah oo soo jeediyay in la aamusiyo qoysaska maxaabiista Israa’iil

Image
Image
Image
Image
Image

QASA (GO) - Jonathan Pollard, oo ah Yuhuudi Maraykan ah, horena u ahaa falanqeeye sirdoon oo ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, ayaa ku baaqay in la aamusiyo oo la xiro qoysaska maxaabista Israa’iil ee ay haystaan ​​Xamaas.

Pollard, oo hore u ahaa basaas ka faai’deystay xilkiisa si ugu shaqeeyo danta Israa’iil, ayaa sheegay in qoysaska maxaabiista Israa’iil la xiro si loo aamusiiyo, islamarkaana laga hortago in boorarka sawirrada maxaabiista la suro waddooyinka.

Wuxuu ku daray: "Markii Israa'iil ay ku dhawaaqday dagaal, dowladdu waxay ahayd inay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah oo qaran, oo ay ku dhahdo dhammaan qoysaska maxaabiista, ama afkiinna xira haddii kale annaga ayaa xiraynaa."

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ahayd in dowladda Israa’iil ay ka hortagto qoysaska maxaabiista in ay faragelin ku sameeyaan hab maamulka dagaalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo La Filayo Inuu Xilka Ka Qaado Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz

Michael Waltz, oo horey xildhibaan uga soo noqday gobolka Florida, ayaa…

  • Caalamka

    01-05-2025

  • 03:30PM

Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska.

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 08:01AM