Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Image

Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa'iil, Itamar Ben Gvir, ayaa sheegay in heshiiska uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la galay dalka Iiraan uusan wax saameyn ah ku lahayn Israa'iil, isagoo caddeeyay in maamulkiisa uusan ku xirnayn go'aankaas.

"Heshiiska Trump nama khuseeyo. Israa'iil ma hoos-tagto Mareykanka, waxaan nahay dal madax-bannaan oo leh go'aan u gaar ah," ayuu yiri Ben Gvir.

Wuxuu intaas ku daray in Israa'iil aysan qeyb ka ahayn heshiiskaas, isagoo ku dooday inuusan dammaanad-qaadayn ammaanka Israa'iil. Wuxuu sidoo kale yiri: "Ma ihiin kuwo qayb ka ah heshiiskan aan ammaankayaga difaacayseen."

"Waa inaanan ka bixin dhul kasta [oo Lubnaan ah] oo ay ciidankayagu qabsadeen."

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Israa'iil, Israel Katz, ayaa isna sheegay in Israa'iil aysan ka bixi doonin dhulka ay ka qabsatay Lubnaan. Wuxuu kaloo uga digay Iiraan in haddii ay weerar soo qaaddo, iyadoo ka jawaabaysa xaaladda Lubnaan.

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM