Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

Image

RIYADH — Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, 36 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ay maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ku beegsadeen garoomada caalamiga ah ee Abha iyo King Khalid ee dalka Sacuudiga maalmihii Talaadada iyo Arbacada, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga (GACA).

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha ay ku dhinteen labo dumar ah oo degganaa dalkaasi, kuwaas oo u kala dhashay dalalka Morocco iyo Algeria, halka 28 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, weerar kale oo lagu beegsaday Garoonka Caalamiga ah ee King Khalid ee caasimadda Riyadh ayaa sababay dhimashada muwaadin u dhashay dalka Suudaan, iyadoo ay ku dhaawacmeen sideed qof oo kale, kuwaas oo shan ka mid ah ay yihiin muwaadiniin u dhashay Sacuudiga.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa xustay inay waddo dadaallo ku saleysan “iskaashi buuxa iyo xiriir joogto ah oo lala yeelanayo laamaha ammaanka ee ay khuseyso,” si loo qiimeeyo khasaaraha ka dhashay weerarrada loona qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu sugayo badqabka rakaabka iyo shaqaalaha.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay ciidamada isbahaysiga ee uu hoggaamiyo Sacuudigu sheegeen 18-kii Sebtembar inay hawada ku qabteen oo ay burburiyeen gantaal nooca ballistic-ga ah oo la tuhunsan yahay inay Xuutiyiintu ka soo rideen Yemen, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay garoonka Riyadh. Maalin kadib, 19-kii Sebtembar, waxaa agagaarka garoonka laga maqlay ugu yaraan hal qarax, iyadoo qiiq madow oo ballaaran la arkayay isagoo ka baxaya goob shidaalka lagu keydiyo oo ku dhex taal Garoonka King Khalid.

Ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, kuwaas oo taageero militari ka hela xulafada Sacuudiga, ayaa dagaallo ba’an kula jira xoogagga Xuutiyiinta ee taageerada ka hela dalka Iran. Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya dhul baaxad weyn oo ku teedsan marinka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab, kaas oo isku xira Badweynta Hindiya/Badda Carabta iyo Badda Cas.

Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Riyadh ayaa soo saartay digniin dhanka amniga ah oo ku socota muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Boqortooyada Sacuudiga, sababo la xiriira xaaladaha amni ee soo kordhay, iyadoo xasuusisay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka “inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM