Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Image
Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka oo Aqalka Cad ku martigeliyay munaasabad sanadle ah ku aaddan "xornimada saxaafadda iyo dimuqraadiyadda" ayaan soo hadal-qaadin dagaalka Israa'iil ee Gaza oo ay ku dhinteen ugu yaraan 97 wariye.

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadda oo bannaanbaxyo ay ka qeybgalayaan boqolaal dadwayne ah ay ka socdeen bannaanka hoteelka ay ka dhacdey casho-sharafta lagu qabanayo.

Isu-soo-baxan ayaa waxaa si xooggan lagu cambaareeyay maamulka Jeo Biden sidda uu u wajahayo dagaalka iyo ku boorinta martida inay qaadacaan munaasabadda.

Biden waxa uu khudbadiisa intiisa badan ku majaajilooday madaxweynihii isaga ka horreeyay iyo ninka ay xafiiltamaan ee Donald Trump, laakiin waxa uu sidoo kale ammaanay saxafiyiinta “kuwaas oo dhab ahaantii naftooda halis u geliyey” hawlahooda shaqo.

“Qaar badan ayaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, qaar kalena waxay waayeen xorriyaddooda. Suxufigu waxa cad in aanu dambi ahayn. Ma aha halkan, ma jiro, meel kasta oo adduunka ka mid ah, "ayuu yiri, isaga oo aan sheegin meesha "halkaas" laga tixraacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM