Biden oo lagu habaaray "in uu ku gubto naarta jahannamo"

Image
Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqdey mid aanan jeclaysan in uu maqlo erayadaas.

WASHINGTON, USA - Walaasha mid ka mid ah 13-kii askari ee Mareykanka todobaadkanlooga dilay qaraxii ismiidaaminta ee Kabul ayaa ku habaartey Madaxweyne Joe Biden inuu "ku gubo naarta jahannamo".

Dhacdadan ayaa laga soo wariyey munaasabada lagu maamuusayey askartaa geeriyootay oo qabsoontey Axaddii todobaadkan, sida lagu sheegay warbixin soo baxdey Talaadada manata ah.

Mark Schmitz, oo ah aabaha Jared Schmitz, ayaa u sheegay The Washington Post in gabadhiisa ay aad uga naxdey geerida lama filaanka ah ee walaasheed ka tirsaneyd  ciidamadii ku baxay weerarkaas.

"Waxay ku qaylisay markii ay aragtey madaxweynaha 'waxaan rajaynayaa in aad ku gubto naafta jahanamo!' wuxuu ahaa walaalkay,'" ayuu yiri aabaha oo sharaxay siday wax u dhaceen.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: 'Ma eedayn karo iyada". Schmitz wuxuu ka gaabsadey in uu carabaabo qofka qaraabada ah ee ku qayliyay "Dhammaanteen waxaan luminay qof" intii xafladu socotay.

Schmitz ayaa xusay inuu tusay sawirka wiilkiisa Biden wuxuuna ku yiri madaxweynaha: "Weligaa ha iloobin magacaas. Weligaa ha iloobin wejigaas. Weligaa ha iloobin magacyada kuwa kale 12-ka kale oo wakhti ku bixiya si aad dadka kale u barato sheekooyinkooda".

Biden ayuu hoosta ka xariiqay in uu u muuqdey mid aan jeclaan lahayd in uu maqlo erayadaas. "Waan ogahay sheekooyinkooda," ayuu Schmitz ku faahfaahiyay in madaxweynuhu dib u gurasho sameeyay kadib dhawaqaas.

Qoysaska ayaa isugu yimid Dover, Delaware Axaddii halkaas oo la geeyay meydadka 13 askari kuwaasoo ku geeriyoodey qarax ismiidaamin ah oo ay dusha saaratay kooxda la magac-baxdey dowladda Islaamiga ah ee Daacish/ISIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM