Biden oo wajahaya mooshin xil-ka-qaadis ka dib markii uu ku tilmaamay El-Sisi madaxweynaha Mexico

Image
Biden ayaa dhowr mar isku qalday Madax hore oo geeriyootay iyo kuwoo hadda xilka haaya.

Washington (GO) - Koox wakiillo ah ayaa shaki ka muujiyay awoodda madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee 81-jirka ah uu ku hoggaamin karo Mareykanka haddii dib loo doorto 4-Sano oo kale.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu dhaleeceeyay qaladaadka afeed uu ku dhacayo, iyo in uu in badan ku jahawareeray magacayada dadka & xilalka ay kala hayaan.

Madaxweynaha ayaa dhowr mar isku qalday Madax hore oo geeriyootay iyo kuwoo hadda xilka haaya, waxaan taasi ka dhashay in tiro ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga ah ay ka faa'ideystaan fursadaan.

Wakiiladan ayaa dalbaday in la dhaqan galiyo wax ka bedelka shan iyo labaatanaad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo dhigaya in Madaxweynaha Mareykanka xilka laga xayuubiyo hadii ay ku cadaato inuusan dalka hogaamin karin.

Baaqyadan waxay ka yimaaddeen Wakiilada kala ah: Rick Scott (Florida), Mike Lee (Utah), Josh Hawley (Missouri), Mary Miller (Illinois), Marjorie Taylor Greene iyo Mike Collins (Georgia).

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar uu ka hadlayay qalalaasaha Qasa, waxa uu dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ku tilmaamay “madaxweynaha Mexico”, taasoo ah qaladkii saddexaad ee uu ku dhaco toddobaad gudihiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM