Biden oo xaqiijiyay in Israa’iil ay lumisay taageerada caalamka

Image
Joe Biden ayaa yiri in xukuumada uu hoggaamiyo Netanyahu ay billowday inay lumiso taageerada caalamka

WASHINGTON (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyay in dowladda Israa’iil ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu ay billowday inay lumiso taageerada caalamka sababo la xiriira duqeymaha aan loo meel dayin ee ka geysanayso Marinka Qasa.

Munaasabad dhaqaale loogu uruurinayey ololihiisa doorashada oo ka dhacay Washington, ayuu Biden ugu baaqay Netanyahu inuu isku shaandheyn ku sameeyo xukuumadiisa mayalka adag, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxa kale oo uu sheegay in dawladda Israa’iil ay ka soo horjeedo in Falastiiniyiinta dowlad loo dhiso, taas oo ah xalkii ay ku baaqday Washington ka dib weerarkii 7dii October.

Wuxu intaas raaciyay, "Tani waa dawladdii ugu muxaafid badnayd ee soo marta taariikhda Israa'iil.", isaga oo ula jeeda xubnaha maylka adag ee ka tirsan xukuumada uu hoggaaminayo Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM