Biden oo xaqiijiyay in Israa’iil ay lumisay taageerada caalamka

Image
Joe Biden ayaa yiri in xukuumada uu hoggaamiyo Netanyahu ay billowday inay lumiso taageerada caalamka

WASHINGTON (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyay in dowladda Israa’iil ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu ay billowday inay lumiso taageerada caalamka sababo la xiriira duqeymaha aan loo meel dayin ee ka geysanayso Marinka Qasa.

Munaasabad dhaqaale loogu uruurinayey ololihiisa doorashada oo ka dhacay Washington, ayuu Biden ugu baaqay Netanyahu inuu isku shaandheyn ku sameeyo xukuumadiisa mayalka adag, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxa kale oo uu sheegay in dawladda Israa’iil ay ka soo horjeedo in Falastiiniyiinta dowlad loo dhiso, taas oo ah xalkii ay ku baaqday Washington ka dib weerarkii 7dii October.

Wuxu intaas raaciyay, "Tani waa dawladdii ugu muxaafid badnayd ee soo marta taariikhda Israa'iil.", isaga oo ula jeeda xubnaha maylka adag ee ka tirsan xukuumada uu hoggaaminayo Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM