Biriq haleeshay diyaarad oo dhalisay geerida dad badan

Image
Image

MOSCOW, Russia – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaaradii uu dabka ku qabsaday garoon ku yaala wadanka Qabowga badan ee Ruushka.

Diyaaradda ayaa waxa uu dab ka kacay markii si degdeg ah loosoo soo celiyay garoonkii ay daqiiqado kahor ka duushay.

Warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi ayaa kasoo xigatay duuliye la socday diyaaradda in isla markiiba ay duuleen haleeshay Biriq.

"Markii ay biriqda haleeshay diyaaradda, waxaan waynay qadkii is-gaarsiinta," ayuu hadalkiisa ku daray duuliyaha.

Ugu yaraan 41 ruux oo kamid ah 78 rakaab ah oo la socday diyaaradda ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

"Markii aan duulnay waxaan haysanay karaar-siin xoog leh, wax kasta daqiiqo ayay isku baleen waana ku qasbanaanay in aan soo laabano," ayuu raaciyey.

Sikastaba, shilkaan ay gashay diyaaradaan ayaa noqonaya dhacdadii ugu dambeysay oo kuwa kan lamida oo dunida kusoo badanayey sanadihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM