Biriq haleeshay diyaarad oo dhalisay geerida dad badan

Image
Image

MOSCOW, Russia – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaaradii uu dabka ku qabsaday garoon ku yaala wadanka Qabowga badan ee Ruushka.

Diyaaradda ayaa waxa uu dab ka kacay markii si degdeg ah loosoo soo celiyay garoonkii ay daqiiqado kahor ka duushay.

Warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi ayaa kasoo xigatay duuliye la socday diyaaradda in isla markiiba ay duuleen haleeshay Biriq.

"Markii ay biriqda haleeshay diyaaradda, waxaan waynay qadkii is-gaarsiinta," ayuu hadalkiisa ku daray duuliyaha.

Ugu yaraan 41 ruux oo kamid ah 78 rakaab ah oo la socday diyaaradda ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

"Markii aan duulnay waxaan haysanay karaar-siin xoog leh, wax kasta daqiiqo ayay isku baleen waana ku qasbanaanay in aan soo laabano," ayuu raaciyey.

Sikastaba, shilkaan ay gashay diyaaradaan ayaa noqonaya dhacdadii ugu dambeysay oo kuwa kan lamida oo dunida kusoo badanayey sanadihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM