Magdhow la siinayo qoyska dadkooda ku dhintay shilalka diyaarada Boeing

Image

WASHINGTON - Shirkadda Boeing ayaa shaacisay inay bixin doonto $100 million si loogu caawiyo qoysaska iyo ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay shilalkii diyaaradeed ee ka kala dhacay dalalka Indonesia iyo Ethiopia.

Lacagta ayaa lagu taageeri doonaa waxbarashada, qarashka nolol-maalmeedka qoysaska iyo in lagu daboolo baahiyaha bulshada saameyeen shilalkii Lion Air Flight 610 iyo Ethiopian Airlines Flight 302.

Boeing ayaa sheegtay in ay la kaashan doonto dowladaha hoose iyo hay’adaha maxaliga fulinta mashaariicda lagu caawinayo dadkan, oo ku nool degaanno ku yaalla dalalka Indonesia iyo Ethiopia.

Lacagtan ayaa ah mid ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha Shirkadda oo lagu taageerayo qoysaska dhibaatada ku dhacday, waxaana la gaarsiin doonaa yabooha bisha December ee sanadkan 2019.

“Boeing waxay ka xun tahay rakaabkii ku geeriyoodey shilalka diyaaradeed, taasi oo aan illoobi doonin. Qoysaska dadkooda ku waayay waxaan la wadaageynaa murugada,” ayuu yiri Dennis Muilenburg, gudoomiyaha Shirkadda.

Dennis Muilenburg ayaa intaasi ku daray inay Shirkadda Boeing ka shaqeynayso sidii ay dib ugu hanan lahayd kalsoonida macaamiishada, isticmaala diyaaradaha ay soo saarto kadib shilalkii dhawaan dhacay.

Shirkaddo badan ayaa joojisay isticmaalka diyaaradaha Boeing, gaar ahaan Boeing 737 MAX 8 kadib markii mudo u dhaxaysa shan bilood ay ku burbureen Indonesia iyo Ethiopia, iyadoo ay ku dhinteen shilalkaasi boqolaal qof oo mas’uuliyiin ay ku jireen.

Boeing oo laga leeyahay Mareykanka ayaa mudo kooban sanadkan gudihiisa soo gaartey khasaaro lagu qiimeeyay $1 billion, kadib markii shirkadihii macaamiisheeda ahaa ay dejiyeen diyaaradaheeda 737 Max 8.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM