Boliiska France oo iska caabin kala kulmay Mallayshiyo

Image

18 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya inay socdaan is rasaasayn u dhaxaysa ciidamada Boliiska dalkaasi iyo koox loo malaynayo inay ka tirsansanyihiin shakhsiyaadkii weerarka gaystay Sabtidii la soo dhaafay.

Ciidamada Boliiska dalkaasi ayaa waabarigii hore saaka hawlgal ka gaystay xaafadda Saint Denisu oo u dhaw garoonka kubadda cagta Paris, iyagoo beegsaday guri ku sugnaayeen afar ruux oo mid haween tahay.

Warar madax banaan oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay isqarxisay haweenaydaasi kadib markii ciidamadu isku hareereyeen gurigooda, halka labo nin oo kale la toogtay.

Hal qof ayaa weli goobta ku jira, waxaana la keenay ciidamo dheeri ah oo ka tirsan Milatariga dalkaasi iyagoo gacansiiya Boliiska.

Goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo waddooyinka xaafadda hawlgalku ka socdo ayaa la xiray.

Warbaahinta dalkaasi ayaa faafisay in dadka hawlgalka maanta lagu fuliyay ka mid ahaa ruux lagu magacaabo Cabdixamid Abaaud oo ah 28 sano, kaasi oo kor kala socday weerarka Sabti la soo dhafay dalkaasi ka dhacay.

Ma jirto faah faahin ka soo baxday dhinaca dowladda Farance iyo laamaha amniga, waxaana weli socda hawlgalka.

Ururka ISIS, ayaa sheegatay qaraxyadii lagu dilay in ka badan 130 ruux oo ka dhacay caasumadda dalkaasi ee Paris.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM