Booliiska Norway oo loo ogolaaday in ay hub qaatan si ay u ilaaliyaan muslimiinta loo hanjabay

Image
Taliska booliska Norway ayaa soo saaray go'aankan ka farxiyay dadka muslimiinta ah.

Oslo (GO) - Taliska booliska Norway ayaa go’aamiyay Sabtidii, in askarta booliisku ay qaataan hub ilaa amar dambe, sababo la xiriira hanjabaado loo jeediyay dadka muslimiinta ah ee dalkaas ku nool.

"Taliyaha Guud ee Booliisku wuxuu go'aansaday in la hubeeyo booliiska dalka oo dhan, laga bilaabo galabnimadii Sabtida," ayay ku qortay bayaan.

Waxay ku dartay: "Go’aankan ayaa imaanaya ka dib hanjabaadaha ka dhanka ah dadka muslimiinta ah oo dhawaan u dabaal-degi doona Ciidul-fidriga”.

Booliiska Norway ayaa qaadan wax hub ah gudaha Scandinavian-ka, laakiin waa loo oggol yahay inay sidaas sameeyaan haddii ay helis jirto oo dad shacab ah loo hanjabo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM