Booliska Canada oo xiray rag loo haysto dilka wiil Soomaali ah

Image
Qoyska marxuumka ayaa rajo wanaagsan waxay ka muujiyeen in ay helaan cadaalad waafi ah.

TORONTO, Canada - Booliska magaaladda Winnipeg ee dalka Canada ayaa Axada maanta ah waxaa la sheegay in ay xireen laba eedeysane oo lala xiriirinayo in ay khaarijiyeen wiil Soomaali ah.

Allaha u naxariistee, marxuum Maxamed Yuusuf Abiikar ayaa 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi, sida ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa, sida ku xusan warbixinadda, waxaa lagu soo oogay dacwad ah dil darajada koowaad waxaana ay haatan sugayaan maxkamadeyn.

Maxamed Yuusuf oo degan magaalada caasimadda ah Toronto ayaa lagu waramay in uu fasax ahaan u joogay magaalada Winnipeg oo ah caasimadda gobolka taariikhiga ah ee Manitoba.

Yaasiin Abiikar Cali oo adeer u ah Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf una waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa rajo aad u wanaagsan in ay cadaalad u helaan wiilkooda.

Soomaalida ayaa kamid ah ajaaniibta lagu beegsado Canada. Kaliya magaalada Toronto waxaa la rumeysan in lagu toogtey in ka badan 300 wallow ay ku jiraan qaar dhexdooda ay isku geysanayaan.

Qoysaska Soomaalida ayaa lagu dhaleeceeyaa in aysan dabagelin kiisaska dilka caruurtooda ayna taas ugu wacan tahay in dambi-baareyaasha ay hakiyaan marka ay arkaan in aanan la daba-joogin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM