Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Image
Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

Ottawa (GO) - Booliiska Kanada iyo Maraykanka ayaa xiray lix qof waxayna baadigoob ugu jiraan saddex kale oo lala xiriirinayo xatooyo Dahab iyo lacag caddaan ah oo ku kaca $16 Milyan oo Dollar ah, kuwaas oo laga dhacay mid ka mid ah baabuurta shirkadda Air Canada sannadkii hore.

Mas'uuliyiinta ayaa dhacdadan ku tilmaamay dahabka ugu badnaa taariikhda Kanada ee la dhaco waxaana lagu tuhmay shaqaale ka tirsan shirkadda Air Canada, kuwaas oo sameeyay dukumintiyo been abuur ah oo u suurtagaliyay in ay Dahabka la baxsadaan.

Booliska ayaa intaa ku daray in dahabka la xaday laga yaabo in la dhalaalay oo la qaabeeyay, taasi oo adkayneysa in gacanta lagu soo dhigo, Booliska ayaa sidoo kale helay ilaa 65 qori oo ay baarayaashu ku eedeeyeen in lagu soo iibiyay dhaqaalihii ka soo xarooday dhaca.

Ka dib xatooyada, shirkadda adeegga gaadiidka iyo amniga ee fadhigeedu yahay Miami ee Brinks ayaa dacwad ka gudbisay Shirkadda diyaaradaha ee Air Canada bishii Oktoobar, iyada oo ku eedeysay "dayacaad”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM