Booliska Koonfur Afrika oo ka caga-jiidaya xariga Zuma

Image

CAPE TOWN, South Africa - Booliska waddanka Koonfur Afrika ayaa isku dayay inay ka gaabsadaan inay xiraan Jacob Zuma illaa madaxweynihii hore uu ka dhameysto dedaalada sharci ee ka dhanka ah xukunkiisa xabsiga.

Warqad loo diray maxkamada dastuurka ee Koonfur Afrika oo ka socota taliyaha booliiska ayaa sii hurisay walaac laga qabo in golaha xukunka haya African National Congress uu ka cagajiidayo in xabsiga loo taxaabo hogaamiyihii hore.

Dibadbaxyada ka dhanka ah xariggiisa la filayay in uu si rasmi ah ugu bilowdo todobaadkan aan ku jirno ayaa ka qarxay gobolka uu ka soo jeedo horaanta asbuucii hore.

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa todobaadkii la soo dhaafay xukuntay in Zuma uu aado xabsi kadib markii uu ka hor-yimid amar ahaa in uu ka qeyb galo baaritaanka musuqmaasuqa iyo in uu bogaadiyey go'aan ka dhan ah sareynta maxkamadaha.

Zuma, oo sagaalkii sano ee uu madaxweynaha ahaa ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq iyo dib u dhac dhaqaale, ayaa ku guuldareystay inuu isa soo dhiibo markii ugu dambeysay ee Axadda ay maxkamaddu u qabtay.

Maxkamadda dastuuriga ah oo xukunka 15-ka bilood ah soo saartey ayaa caddeysay in booliska ay qasab ku tahay inay xabsiga u dhaadhiciyaan Zuma dhammaadka Arbacada.

79 jirkan, oo diidey inuu khalad sameeyay kuna sifeeyay eedeymaha in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed, ayaa bilaabay fulinta laba talaaabo oo sharci ah oo ka dhan ah xukunka; mid hore maxkamad heer gobol ah iyo ka noqoshada xukunka, isagoo ku andacoonaya "in xabsi lagu xukumay isaga oo da'diisu ay ka weyn tahay mudada loogu talagalay".

Talaabooyinka dhanka sharciga ah ayaa ayaa la dhagaysan doonaa July 12. Koonfur Afrika waxay u muuqaneysaa mid mareysa tijaabo dhana dimuqraadiyadda iyo u hogaansamida amaradda ay soo saaraan maxkamadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM