Boqolaal ku geeriyoodey daad ku dhuftay bartamaha China

Image

BEJING, China - Tirada dadka ku dhintay daadadkii ba’naa ee bishii hore ku dhuftay bartamaha Shiinaha ayaa gaaray 302 iyadoo daraasiin dad ah weli la la ’yahay, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadda oo ay labanlaabantay tirada geerida ee la soo sheegay toddobaadkii hore.

Magaalada Zhengzhou, oo ah caasimadda gobolka Henan, ayaa ugu daran ay ku dhinteen 292 qof 47 kalena la la’yahay, sida ay dowladda hoose ku sheegtay shir jaraa’id oo ay qabatay Isniintii. Saddex qof ayaa weli lagu la’yahay deegaannada kale ee gobolka.

Zhengzhou, oo ay ku noolyihiin 12 milyan oo qof, ayaa wajahdey roob mahiigaan ah saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxayna dadka deegaanku ku xayiran yihiin gawaarida, tareenka dhulka hoostiisa mara, baarkinnada baabuurta iyo marinnada waddooyinka oo ay marayaan biyaha sida xowliga ah u socda.

Duqa magaalada Hou Hong ayaa saxaafada u sheegay in 39 mayd laga soo saaray baarkinada baabuurta dhulka hoostiisa iyo meelo kale oo dhulka hoostiisa ah. Qiyaastii 14 qof ayaa ku dhintey Laynka 5aad ee boosteejooyinka tareenka dhulka hoostiisa ee magaalada halkaas oo sawirro iyo muuqaalo laga soo duubay laguna faafiyey baraha bulshada ay muujiyeen dad qoorta u taagan oo biyo ku jira markii gaarigii ay wateen uu qarqiyay.

Qiyaastii 617.1 milimitir (24.3 inji) oo roob ah ayaa ka da’ay Zhengzhou muddo saddex maalmood ah laga soo bilaabo Luulyo 17 -keedii, taas oo u dhiganta celceliska sanadlaha magaalada 640.8mm (25.2 inji).

Khubarada ayaa sheegaya in dhacdooyinka cimilada ee aadka u daran, oo ay ku jiraan fatahaado daran iyo abaaro, ay noqon doonaan kuwo sii kordhaya oo ka dhasha isbeddelka cimilada.

Warka dhimashada ayaa ka careysiiyay dadka adeegsada bulshada ee Shiinaha oo dalbaday hab maamuleed ka wanaagsan masiibooyinka waxayna dhaleeceeyeen jawaabta dowladda. Laakiin dhaleeceynta dowladda ee wax ka qabashada masiibada ayaa sidoo kale dhalisay cadaawad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM