Boqollaal ka tirsan Militeriga Turkiga oo gudaha u galay dalka Ciraaq

Image

December 5, 2015 (GO)- Cutubyo ka tirsan militeriga Turkiga ayaa masaafo 30km ah gudaha u galay dalka Ciraaq, tallaabadan oo ay dowladda Ciraaq si weyn u cambaareysey.

Ciidamada Turkiga oo sida wararka lagu helayo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman iyo dabbaabaad, waxay fariisimio ka samaysteen deegaano ka tirsan gobolka Mosul, halkaas oo Kooxda IS gacanta ku hayso.

Dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inaysan raali ka ahayn waxna kala socon faragelinta ciidamada Turkiga, waxana Ra'isal Wasaaraha Ciraaq Xeydar Al-cabbaadi uu boggiisa Twitterka ku daabacay farriin nuxurkeedu ahaa sidan:

"Joogitaanka aan sharciga ahayn ee ciidamada Turkiga ee ku sugan gobolka Mosul, wuxuu xadgudub khatar ah ku yahay madax bannaanida dalka Ciraaq"

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay sarkaal magaciisa qariyey oo ka tirsan militeriga Turkiga, in ujeedada ay u galeen dalka Ciraaq tahay sidii ay tababaro dhanka farsamada ah u siin lahaayeen dagaalyahannada kooxda Peshmerga.

Dhanka kale, mas'uuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in ciidamada Turkigu aysan qayb ka ahayn isbahaysiga Maraykanku hormuudka ka yahay ee ka dhanka ah Kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE+REUTERS

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM