Boqorka Thailand oo guursday gabar kamid ahayd ilaaladiisa

Image
Image

Bangkok, thailand – Boqorka dalka Thailand ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu la aqal-galay taliye ku xigeenka ilaaladiisa gaarka.

Muuqaalo laga soo qaaday munaasabada laguna baahiyey TV-ga dowlada ayaa muujinaya Maha Vajiralongkorn oo ay hareer-fadhiso Suthida Tidjai.

Vajiralongkorn oo sidoo kale loo yaqaano Boqor Rama X ayaa siiyey lamaantiisa cusub magaca Boqoradda, kana bedelay ilaaliye [waar-diye].

Martida kasoo qaybgashay xaflada ayaa u badnaa xubno kamid qoyska Boqorka, iyo madaxda ugu sareysa wadankaasi.

Boqorka, oo 66 jir ah, kaasi oo lagu wado in uu Sabtida xilka si rasmi ah ula wareego ayaa Suthida Tidjai u magacaabay taliye ku xigeenka ilaaladiisa.

Haweenaydaan nasiibka badan ayaa waxay horey uga mid ahayd howlwadeenada diyaaradda qaranka ee Thai Airways.

Tani ayaa caddeyneysa warar laysla dhex-marayay oo ku aadan in Boqorka uu xiriir jaceyl kala dhaxeeyay Suthida.

Vajiralongkorn, oo xilka la wareegay kadib geerida aabihii, ayaa horey waxa uu soo maray saddex guur ah, balse waxa ay kala tageen xaasaskii, isaga oo ay haatan u joogaan todoba caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM