Boqorka Thailand oo guursday gabar kamid ahayd ilaaladiisa

Image
Image

Bangkok, thailand – Boqorka dalka Thailand ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu la aqal-galay taliye ku xigeenka ilaaladiisa gaarka.

Muuqaalo laga soo qaaday munaasabada laguna baahiyey TV-ga dowlada ayaa muujinaya Maha Vajiralongkorn oo ay hareer-fadhiso Suthida Tidjai.

Vajiralongkorn oo sidoo kale loo yaqaano Boqor Rama X ayaa siiyey lamaantiisa cusub magaca Boqoradda, kana bedelay ilaaliye [waar-diye].

Martida kasoo qaybgashay xaflada ayaa u badnaa xubno kamid qoyska Boqorka, iyo madaxda ugu sareysa wadankaasi.

Boqorka, oo 66 jir ah, kaasi oo lagu wado in uu Sabtida xilka si rasmi ah ula wareego ayaa Suthida Tidjai u magacaabay taliye ku xigeenka ilaaladiisa.

Haweenaydaan nasiibka badan ayaa waxay horey uga mid ahayd howlwadeenada diyaaradda qaranka ee Thai Airways.

Tani ayaa caddeyneysa warar laysla dhex-marayay oo ku aadan in Boqorka uu xiriir jaceyl kala dhaxeeyay Suthida.

Vajiralongkorn, oo xilka la wareegay kadib geerida aabihii, ayaa horey waxa uu soo maray saddex guur ah, balse waxa ay kala tageen xaasaskii, isaga oo ay haatan u joogaan todoba caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM