Boris Johnson oo ku baaqey doorasho xiligeeda laga soo horumariyo

Image

LONDON, UK – Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa waxa uu soo jeediyay doorasho waqtigeeda laga soo horumariyo oo qabsoomeysa 15-ka bisha October ee sanadkan 2019.

Boris ayaa fekerkan wuxuu la yimid markii qolyaha mucaaradka ay ka diideen in 31-ka bishaasi ay Britain ka baxdo gebi ahaanba Midowga Yurub, iyadda oo aanan la gaarin wax heshiis ah.

Dhinaca kale, wasiirka koowaad ee xukuumadda London ayaa waxa uu shaaciyey in uu "horumar wax ka ool ah" ka gaarey wada hadalada uu kula jiro EU-da oo meel xasaasi ah maraya.

Midowga Yurub oo walaac ka muujiyey xaaladda cakiran ee haatan taagan ayaa daboolka ka qaadey in ay kordheyso suurtogalnimada in Boqortooyadda Ingiriiska ay Yurub ka baxdo heshiis la’aan.

Xeer-dejinta ayaa Talaaladii dharbaaxo dusha u saariyey Boris ka gedaal markii ay meel-mariyeen in ay la wareegaan gebi ahaanba maamulka ajendeyaasha ay ka doodayaan fadhiga soo aadan.

Tani ayaa imaaneysa iyadda oo Johnson uu dhowaan ka dhawaajiyey in uu joojin doono shaqada baarlamaanka si uu u meel-mariyo hindisaha uu UK uga saarayo EU-da heshiis la’aan.

Siyaasadda Ingiriiska ayaa jahwareer-saneyd tan iyo markii shacabka dalkaasi ay u coddeyeen in ay ka baxaan Yurub, taasi oo ay xafiiska u baneeyeen mas'uuliyiin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM