Boris Johnson oo ku guuleystay jagada ra'iisul wasaaraha UK

Image

LONDON, UK – Boris Johnson ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga Muxaafadka ee dalka Ingiriiska, taasi oo ka dhigeysa ra'iisul wasaaraha xiga ee wadankaasi.

Duqii hore ee magaaladda caasimadda ah ee London ayaa wuxuu jagadan kaga badiyey tartankeeda wasiirka arrimaha dibadda haatan ee Jeremy Hunt.

Coddeynta oo Talaadada maanta ah qabsoontay ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha xisbigaasi oo tiradooda ay gaareyso 160,000 (Boqol iyo Lixdan Kun oo qof).

Guuleystaha, Boris Johson, ayaa wuxuu helay 92,153 cod. Hunt dhankiisa waxaa u coddeysay 46,656 ruux. Sidda uu guddigu sheegay, waxaa xumaatay 509 cod.

Boris oo farxad balaaran ka muujiyey guusha uu gaarey ayaa wuxuu si rasmi ah u noqon doona ra'iisul wasaaraha UK maalinta Arbacadda ah ee todobaadkan.

Isaga oo la hadlayey warbaahinta, Johnson oo aad ugu olaleynaya in UK ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa waxa uu wacad ku maray in uu ka shaqeyn doono arrintaasi.

Johnson oo ka fal-celinta guul-darada uu dhabar u saariyey Hunt ayaa tibaaxay in uu kaga mahad-celinayo loolanka adag iyo kalsoonida badan ee uu muujiyey.

Theresa May, ra'iisul wasaaraha xafiiska ka tegaysa, oo Twitter-ka uga hadashay guusha Boris ayaa ku nuux-nuux satay in ay garab-taagan tahay ninka bedelaya.

Caqabadda ugu horeysay ee hortaala ah ra'iisul wasaaraha cusub ayaa waxay tahay meel-marinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub oo wasiiro ay isu casileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM