​Boutros Boutros -Ghali oo geeriyooday

Image

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros -Ghali ayaa ku geeriyooda dalka Masar, kadib xanuun hayay dhawrkii todobaad ee lasoo dhaafay, waxaan geeridiisa xaqiijiyay Rafael Darrio Ramirez Carreno oo ah madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Boutros, ayaa ku dhashay magalada Qahira  November 14, 1922, isagoo sharciga caalamiga ah ku bartay caasumadda waddankaasi iyo magalada Paris. 

Ghali, ayaa noqday xoghayihii lixaad ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa January 1992 ilaa December 1996, wuxuuna kusoo beegmay waqti adag oo dhibaatooyin ka taagnaayeen waddamada Rwanda, Somalia, Yugoslavia iyo dagaal ka socday Bariga Dhexe. 

Qalaalahaasi waxuu keenay in waqtigaasi lagu eedeeyo inuu wax ka qaban waayay xasuuqii dalka Rwanda ka dhacay sannadkii 1994, taasoo keentay inuu jagada banneeyo kadib markii Maraykanku saaray codka Vitoga loo yaqaano. 

Shan iyo tobanka waddan ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka ayaa u qabtay hal daqiiqo oo aamusnaan ah, taasoo ay ku muujinayeen siday uga xunyihiin geerida ku timi hogaamiyihii hore Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM